Wefti Ka socda Hay’adaha Caalamiga ah ee taageera saxaafdda kuna bahoobay magaca SMSG ayaa maalintii shalay soo gaadhay Dalkan ka dib markii ay casuumad rasmi ah ka heleen Ururka Solja

0
1115
Hargeysa, (HargeisaPress) — Weftigan oo ka kooban 16 Hay’adood oo ay ka mid yihiin EU, Unesco, IMS, Free Press, African Nation of Journalisam, BBC Media Action, UNDP, CPJ< Network compound, releif intranational iyo hay’ado kale isla markaana ay xubno ka yihiin suxufiyiin caalami ah oo ay ka mid tahay Susana Rice ayaa ujeedada socdaalkoodu waxa ay tahay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen horumarinta saxaafadda Somaliland.
 

 

Weftigan ayaa  isla  markii ay Dalka soo gaadheen waxay kulan muddo saacado ah socday la yeesheen Ururka Suxufiyiinta S/land ee SOLJA, kulankaas oo ka dhacay xarunta Ururka ee Magaalada Hargaysa, iyadoo intii uu kulanku socday ay Gudida sare ee Ururka SOLJA u soo bandhigeen weftiga xaalada saxaafadda Somaliland xiligan ku sugan tahay, marxaladii ay soo martay, guulaha ay ku talaabsatay, caqabadaha ka hor yimaadda iyo sida ay ugu baahan yihiin gacan taageero oo ay ka helaan hay’adaha iyo dalalka daneeya kobcinta saxaafadda iyo ilaalinta xuquuqdoooda.
Gudida Solja waxay kaloo weftiga uga warameen waxyaabihii u qabsoomay iyo talaabooyinkii ay qaadeen mudadii koobnayd ee ay xafiiska joogeen, gaar ahaan hawlihii ay ka qabteen ilaalinta xorriyadda hadalka iyo xaqa loo leeyahay baahin anshax ku dhisan, iyadoo ururku mudadaa awooda saaray dhanka xidhiidhka oo ay kulamo la sameeyeen ilaa sideed Hay’adood oo caalami ah, wakiiloka socday safaaradaha Dalalka maraykanka, Uk iyo Itoobiya, Shirkadaha ganacsiga ee D/Shiil, Telesom iyo SBI, Gudiduna  ka hawlgashay dhacdooyin ku saabsan suxufiyiin la xidhay oo dadaalkooda ka bacdi la sii daayey,  halka sidoo kalena ay u iftimiyeen marxalada dhaqaale, ta sharci iyo ta farsamo ee ay saxaafadda Somalialnd ku gudato waajibaadkeeda.
Gudida Ururka solja waxay ku wargeliyeen weftiga xidhiidhka dhow ee ay urur ahaan la leeyihiin xarumaha iyo shirkadaha warbaahineed ee dalka iyo hay’adaha dawladda ee saamaynta ku leh saxaafadda wadanka, sida Golaha wakiilada, wasaaradda warfaafinta, Xeer ilaalinta Guud iyo Kumishinka Xuquuqul insaanka xidhiidhkaas  oo ay ku tilmaameen in uu u sahlay talaabooyinka ay qaadeen qaar ka mid ah, iyagoo xusay in Somaliland tahay dal madax banaan oo leh saxaafad madax banaan oo saamayn balaadhan ku leh dalka iyo dadka, door weyna ka qaadata geeddi socodka Dimuqraadiyadda, wacyigelinta caafimaadka, iyo nabadgelyada iyo deganaanshaha wadankani ku caano maalay mudada dheer.
Dhankoodana Weftigan wakiilka ka ah 16 Hay’adood ee taageera saxaafadda caalamku waxay halkaa ka sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin shaqada ay muujiyeen hogaanka cusub ee SOLJA, gaar ahaan hirgelinta xarumaha tababarada iyo maktabadda buugaagta saxaafadda oo laga dhex sameeyey xarunta, iyo weliba doorka ay ka qaateen hoos u dhaca ku yimid xadhigii loo gaysan jiray suxufiyiinta Somalialnd.
Weftigu waxay ballan qaadeen inay si degdeg ah uga hawlgeli doonaan qaabkii loo taageeri lahaa saxaafadda Somaliland, haday tahay dhanka kobcinta aqoonta, helitaanka agabka saxaafadda iyo dhismaha guud ee kartida iyo awooda saxaafadda, waxana ay kulamo kale maanta la yeelanayaan hay’ado ka mid ah kuwa Dawladda sida Golaha wakiilada iyo Qaar ka tirsan wasaaradaha dalka, waxana ay kulamo kwaa la mid ah la samayn doonaan qaybaha ururada bulshada ee wadanka ka jira.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here