Shir Balaadhan oo Arrimaha Somaliland lagaga Hadlayo ayaa Galabta ka Dhici doonaa Gudaha Xarunta Baarlamaanka ee Dalkan UK

0
1056

london, (HargeisaPress) —Aqalka Baarlamaanka ee UK ee magaalada London ayaa Galabta lagu Qaban doonaa Shir aad u balaadhan oo ay ka soo Qaybgali doonaan Xubno badan oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka UK, Saaxiibada Somaliland, Diplomaasiyiin, iyo Hormuudka Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan Dalkan UK oo laga soo casuumay kana iman doonaa magaalooyin ay ka mid yihiin Sheffield, Bristol, Liverpool, Cardiff, Birmingham, Milton Keynes, Leicester iyo Xaafadaha kala duwan ee Magaalada London.

Shirkan oo uu casuumadiisa fidiyay Mudane Stephen Doughty MP oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party ahna Xubin laga soo doorto Cardiff South and Penarth ayaa waxaa kala soo qayb geli doona xubno badan oo ka tirsan Aqalka baarlamaanka oo ay ka mid yihiin 
Labour’s Shadow Foreign Affairs Minister, Gareth Thomas MP iyo Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka UK.

Hawsha Shirkan oo uu si weyn uga soo shaqeeyay, gacan aad u balaadhana ka geystay Mudane Maxamuud Aadan Jaamac “Galaal” waxa iyana ka soo qayb geli doona Masuuliyiin ka socda Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland oo uu ka Mid yahay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Mudane Cali Xaamud Jibriil, Safiirka Wareega Ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi, Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK ahna ku Simaha Safiirka Amb. Daahir Tukaale. Shirkan waxaa Xoogga lagu Saari doonaa Arrimaha Somaliland, Xidhiidhka ka Dhexeeya Somaliland iyo UK iyo sidii loo Xoojin lahaa Iskaashiga ka dhexeeya labad Dal iyo labada Umadood.

Dalkan Britain ayaa ah Dal Taageero Laxaadle oo Dhaqaale, Waxbarasho iyo Horumarineed u fidiya Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland, iyada oo Dalkan ay ku nool yihiin Jaaliyad aad u Balaadhan oo Asalkoodu uu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland. Waxaanan usoo jeedinaynaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Dalkan UK inay la Xisaabtamaan Siyaasiyiinta Goboladooda iyo Xaafadahooda oo ay kala hadlaan arrimaha Somaliland mudadan lagu jiro Ololaha Doorasho ee ka socda Dalkan UK. Waxaana Muhiim ah in Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay uu ogaado inuu yahay Safiir ka Wakiil ah Dalkiisa iyo Dadkiisa.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here