Ganacsade Soomaali ah oo soo Saaray Qalab Yarenaya Cabsida Xawaaladaha + SAWIRRO

0
1028

NAIROBI – Ganacsade Somali ah ayaa soo bandhigi doona nimaad cusub oo loogu tal-galay in ay isticmaalaan Bangiyada lacagaha dira, waxaan nimaadamkan uu sahlayaa inuu aqoonsado xogta qofka lacagta diraya iyo kan loo dirayo oo dhamaystiran.

Bangiyada dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa si aad ah uga walaacsan fududeynta lacago loo diro Somaaliya ,iyaga oo ka cabsi qaba in lacagta ay diraan ay si khaldan gacanta ugu gasho kooxaha xagjiriinta ah sida Al-shabaab.

2015326635629819572869800FSB_1

Si la mid ah madaxda Soomaalida ayaa rumeysan in xayiraad lagu soo rogo shirkadaha lacagaha ee dibadda ay dhibaato bur-bur ku tahay malaayiin ruux oo noloshooda ku maareeya lacago ay qoysaskoodu uga soo diraan qurbaha.

Liibaan Cigaal oo ah ganacsade hal abuuray barnaamijka CamelCash ayaa qorshaynaya in uu si rasmi ah u shaaciyo barnaamijkiisa marka laga gaaro bisha shanaad ee sanadkan si uu u caawiyo xawaaladaha, waxaana tiknoolajiyadan ay aqoonsanaysaa qofka la baxaya lacagta isaga oo isticmaalaya calaamadda suulka ,sawir iyo waxyaabo kale oo aqoonsi.

Ganacsade Liibaan oo 45-sano jir ah ayaa maamule ka ah bankiga First Somali Bank (FSB) oo la asaasay sanadkii 2012-ka, wuxuuna qorshaynayaa in uu ogolaansho ganacsi ka helo bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya.

“Haddii ay gadan waayaan ,waxan rajaynayaa in aan shirkad xawaaladeed ka furto gudaha Maraykanka oo ay ila arkaan nidaamkan shirkadaha kale halkaas ku yaal , ilaa iyo hadda waxaan wada-hadalnay ilaa seddex shirkadood oo fadhigooda yahay Maraykanka ,kuwaasi oo qarka u saran in la xiro sababo la xiiriira nidaamka waxbixinta “ ayuu Cigaal u sheegay Wakaaladda Reuters.

2015326635629819047982265FSB_3

Marka laga reebo in yar oo kamid ah Soomaalida haysata baasaboorrada ama waraaqaha aqoonsiga ,inta kale waxa xawaaladahu ay lacagta ku siiyaan nidaam ku salaysan aqoonsi qabiil ,halka bangiyada ku yaalla wadamada reer-galbeedkana ay dhibaato ku qabaan qofka lacagta ka qaadanaya.

Nidaamkan casriga ah ee Camelcash oo laga soo gaday shirkad ku taalla India balse uu casriyeeyay bangiga FSB ayaa laga dhex-isticmaali karaa taleefanada casriga ah ee Smart-phones-ka loo yaqaan, iyada oo loo marayo adeegga CamelCash.

Ganacsade Cigaal ayaa muddo badan ku noolaa dalka Maraykanka ka hor intii uusan ku laaban caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho sanadkii 2011-ka waxaana uu sheegay in qorshahan uu u bandhigay shaqaalaha safaaradda Maraykanka ee Nairobi ,isla markaana ay ku xiri doonaan shirkadaha kale arintan ku shaqada leh ee fadhigoodu yahay Maraykanka.

Ugu dambeyn, Cigaal oo banraamijkan shaacin doona dhawaan ayaa qorshaynayo inuu ka kireeyo tiknoolajiyaddan shirkadaha xawaaladaha ah ee u baahan ,waxaana bisha shanaad lagu wada in si rasmi ah looga isticmaalo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here