Gabiley: Khasaare Ka Dhashay Guri Dab Qabsaday

0
384

Gabiley (HP): Dab ka kacay guri ku yaalla magaaladda Gabiley ayaa dhaliyay khasaare dhibaato nafeed iyo khasaare hantiyeed.
Gurigaasi uu dabku qabsaday ayaa gebi ahaanba Shufbeelay, kadib markii uu qabsaday Dab ka kacay.
Ciidamada Dab-damiska ee Gabiley ayaa shegeen inay ka hawl-galeen in la xakameeyo dabkaasi si aanu ugu fidin guryihii ka ag dhawaa.
Ciidamadda Dab-damiska Gabiley waxay sheegeen in ay gurigaasi ka badbaadiyeen ilmo yar.
Kaasoo uu dhaawac ka soo gaadhay dabkii Gurigu ku shufbeelay.


Geesta kale, xakamaynta dabkaasi waxaa bakhtiintiisa ciidamadda dab-demiska kala qayb galay ciidamadda booliska Gabiley.
Inkastoo uu hal qof ku dhaawacmay dabkaasi, isla markaanu uu baabiiyay gurigii uu ka kacay, hadana waxaa yadoo dabkaasina laga xakameeyay inuu ku fido guryihii deriska la ahaa xaafadaasi gubatay.
Dhinaca kale, ilaa iyo hadda lama garanaayo sababta keentay in dabkaasi uu kaco.
Hase yeeshee ciidamadda booliska iyo dabdamiska Gabiley ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaan ku saabsan waxa dhaliyay dabkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here