Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Dagaaladdii Ka Dhacay Muqdisho

0
505

Muqdisho (HP): Raysal wasaaraaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka hadlay dagaaladii xalay ilaa shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay dhibaatadii dhacday, taasoo uu tilmaamay mid lagu khal-khal gelinayay amniga iyo nabadda magaaladda Muqdisho.

Raysal wasaare Khayre, ayaa faray in ciiddamaada amniga in ay gutaan waajibaadkoodda qaran, isla markaana  ay dhawraan amniga shacabka kana hor tagaan khatar kasta oo dhibaato u keeni karta bulshadda Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Rooble, oo ka hadlay telefishanka qaranka Soomaaliya, waxa kaloo uu sheegay in dawladu ay aaminsan tahay in wadahadal iyo is afgarad uu yahay jidka ugu haboon ee wax kasta lagu xalin karro.

Geesta kale, Rooble ayaa ugu baaqay guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana odayaasha, waxgaradka, ganacsatadda in laga wada shaqeeyo xasiloonida dalka gaar ahaana magaaladda Muqdisho.

 

Dhinaca kale raysal wasaaraha Soomaaliya ayaan soo hadal qaadin khasaaraha iyo dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii shalay ilaa xalay magaaladda Muqdisho ku dhexmaray ciidamadda dawladda iyo kooxo taageersan xubnaha murashaxiinta.

Dagaaladaasi oo ka dhacay degmooyin ka tirsan Muqdisho ayaa la sheegay in ay sababeen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaadhay dhinacyadii dagaalamay iyo sidoo kale dad shacab ah.

Sidoo kale dagaaladaasi ayaa sababay qax iyo barokac ku yimid bulshadda gaar ahaana shacabka xaafadihii lagu dagaalamay. Inkastoo ay xaaladu maanta ilaa caawa ka degan tahay sidii shalay iyo xalay.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here