Xukuumadda Somaliland oo Xayiraadii Ka Qaaday Diyaarada Air Arabia

0
1718

Hargeisa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta xayiraadii ka qaaday diyaarada Air Arabia oo ay hore xayiraad ugu soo rogtay.

Shirkada Air Araabia, ayaa hore xukuumadda Somaliland ku amartay in aanay ka soo degi karin garoomada diyaaradaha ee Somaliland.

Waxaanay xukuumaddu ku eedeysay in ay shirkadu u hoggaansantay amarkii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku joojisay duullimaadyadii caalamiga ahaa.

Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay shirkada Air Arabia xayiraad saartay sanadkii 2020.

Shirkada Air Arabia, ayaa la sheegay in sababta ay xukuumadu xayiraada uga qaaday ay tahay kadib markii ay buuxisay shuruudo ay xukuumaddu hordhigtay.

Air Arabia oo muddo sanad iyo dheeraad ah ka maqnayd madaarka Cigaal ee Hargaysa, ayaa la rajaynayaa in ay dib u bilowdo duulimaadyadeedii Hargeysa.

Geesta kale, Xukuumada Somaliland, ayaa maalmo kahor xayiraadii ka qaaday diyaarada Fly Dubai, oo Air Arabia isku wakhti xayiraada lawada saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here