Is-rasaasayn Ka Dhacday Jigjiga iyo Xiisad Cakiran oo Ka Taagan Magaalada

0
3023

Jigjiga (Hargeisa Press)- Wararka ka imanaya Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in xalay magaaladaasi ka dhacday is-rasaasayn xoogan.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayay  qaybo ka mida magalaadaasi, sida ay dad goobjoogayaal ahi u xaqiijiyeen Warbaahinta Hargeisapress.

Dhawaaqa rasaastaan ayaa waxa ay ka imanaysay Xafaada Ableelaha ilaa Hotel Xamda iyo wadada halbawlaha ah ee laamida dhexmarta magalaada.

Ilaa iyo hada lama oga sababta keentay is-rasaasaynta laakiinse dad dhalinyaro ah oo banaan-baxaya ayay iska hor yimaadeen ciidanka amaanka.

Rasaasta xalay la maqlay ayaana ku soo beegmaysa iyadoo Xaalada dowlad deegaanku ay tahay mid cakiran.

Dhinaca kale, maalinimadii Khamiista ayay ahayd markii Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida ay xasaanadii ka xayuubiyey 12 xildhibaan, kadib muran sababay gacan ka hadal oo hadheeyay fadhigii golaha.

Xildhibaanadan laga qaaday xasaanadoodii ayaa doonayay in ajendaha kulankii maanta lagu daro xilka qaadis ay la damacsanaayeen qaar ka mid ah madaxda ugu sareysa dowlad deegaanka.

Xildhibaanadaas ayaa isku deyay inay carqaladeeyaan fadhiga golaha, kadib markii guddoonku ka aqbali diiday ajendihii ay wateen, waxaana gudaha u galay hoolka ay ku shirayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo u gacan qaaday xildhibaanadii watay ajendaha xil ka qaadista ah.

Siyaasada deegaanka Soomaalida ayaa u muuqda in uu yahay mid galay xaalad cusub oo keeni karta in halkaas uu ka qarxi karo dagaal sokeeye, iyadoona ay socdaan loolan u dhaxeeya qabaa’ilada deegaanka iyo madaxada hada haysa xukunka.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here