Fariinta Guddoomiyaha SOLJA Ee Xuska Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka

0
516

Hargaysa (Hargeisa Press): Saddexda bisha May oo maanta ku beegan waxaa wadamo badan oo caalamka ah laga xusaa maalinta xoriyadda saxaafadda.
Xuska maalintaasi awgeed ayaa guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland waxa uu hanbalyo u diray guud ahaanba saxaafadda iyo saxafiyiinta Somaliland.
Sekeriye Axmed Muxumed, oo maanta war fidiyeenadda kula hadlay xarunta SOLJA ee magaaladda Hargaysa, ayaa saxafiyiinta Somaliland ka hawl galla ku amaanay sida ay mar kasta bulshadoodda ugu soo gudbiyaan wararka iyo dhacdooyinka gudaha iyo dibaddaba.


Guddoomiyaha SOLJA waxa uu sheegay in ay ka urur ahaan u taagan yihiin in suxufiyiinta Somaliland meel kastoo ay joogaanba uu xaaladooda la socdo.
Waxaanu ku baaqay haayadaha caalamiga iyo ururadda ay bah-wadaagta yihiin ururka SOLJA in ay kala shaqeeyaan sidii suxufiyiinta Somaliland ay si xoroyad ah ugu gudan lahaayeen waajibaadkoodda.

DAAWO: BAAQA GUDDOOMIYAHA SOLJA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here