Eng Mukhtar Hussein Yusuf oo ka Mida Dhalinyarda Somaliland oo ka hadlay Xasuuqa New Policeka, Madaxweyne Siilaanyana Baaq u diray

0
1249

Ku: Madaxwaynaha Jsl

Ku: Ciidanka Qaranka JSL

Og: Shacabka reer somaliland


Ujeedo : Waraaq furan

 

Mudane Madaxwayne anigoo ku hadlaya afka dhalinyarada Jamhuuriyadan Somaliland waxaan u dulqaadan kari waynay kana adkaysan kari waynay in shacab kayaga reer somaliland ay inamo yar oo New Police la dhahaa ay guryahooda ay ku xasuuqaan mana aha wax ay dhagahayagu iyo indhahayagu qaban karaan dhactooyinkan oo aan ahayn tii ugu horaysay ayaa waxay noqotay mid soo noqnota waxaan si sharaf iyo qadarini ku dheehantahay kaaga codsanaynaa in shacabkaa xaqdarada lagu laayay yakoo guryahooda hadhsanaya ay ciidanka qalabka sidaa aarkoosikeedii keenaan haday taasi dhici waydo waxa qoriga qaadanaya shacabka oo keeni doona aarkoosiga misaakiintaa gacanta xaqa darani ku tishay

 

Waxaan halkan kaga codsanayaa Madaxwaynaha Jsl iyo Taliyaha Ciidanka Militery ka Jamhuuriyada Somaliland in aan ka mid noqto ciidanka qaranka jamhuuriyada Somaliland mishahar la’aan anigoo diyaar u ah in aan difaaco dalkayka iyo dadkayka saacad kasta iyo marxalad kasta kana damqanaya dhactooyinka noocan oo kale ah ee mar walba loo geysanayo shacabka iyo maadida Somaliland.

 

 

By: Eng Mukhtar Hussein Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here