Dr. Gaboose oo Xukuumada Madaxweyne Biixi U Soo Jeediyey In Wacyi-gelinta Ka Hor-tagga Coronavirus Ay Ku Darto Ficil

0
1796

Hargeisa (Hargeisa Press) – Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ah Aqoonyahannada Caafimaad ee Somaliland ayaa soo jeediyey in Wacyi-gelinta la xidhiidha ka hor-tagga Cudurka Covid_19 lagu daro Ficil, si wax looga qabto khatarta soo foolka leh.

888A730F-4BF9-4470-A550-73B81424C4EC

Dr. Gaboose wuxuu sheegay in Hoggaanka Ummadda looga baahan yahay isla-markaana uu waajib gaar ahi ka saaran yahay inay hor tagaan dhibaato kasta oo Dalka ku soo fool leh, sida Covid_19, sidaasi darteed ka hor-taggiisa aan lagu koobin Wacyi-gelin Warbaahinta la mariyo, balse ficil lagu daro oo lala dagaalamo Isku Imaanshiyaha Bulshada, si khatarta loo xadidi karo.

Dhakhtarta oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dal walba wuxuu leeyahay Dad hoggaan ah oo Taladooda haya, hoggaankaas ayaa waxa saaran Masuuliyadda ah dhibaato markay timaaddo sidii looga bixi lahaa.

Xanuunkan waxyaabaha lagula tacaalo waxa ka mid ah baadhitaan ballaadhin in la sameeyo, Waayo? Bani-aadamka haddaanad baadhin oo inta aan shan qof baadho tidhaahdo Qof baan ka helay dhulkaygii ama Saddex baan ka helay Adigoon baadhitaanba samaynin, Malaayiin kale oo Qaba (Xanuunka) ayaa suuqa yaacaya oo Dadkii dhex fadhiya, markaa baadhitaanku maaha in Daba-galka Dadka ee intii la awoodaba Dadka la baadho.”

Dr. Gaboose wuxuu Tilmaamo ka bixiyey siyaalaha lagu kala qaadi karo Xanuunka Covid_19 “Xanuunkan waxa lagu kala qaadaa isku dhawaanshiyaha, markaa Wacyi-gelintu waa inay noqotaa wacyi-gelin xoog xoog u badan, wacyi-gelintu waxba ma tarto keligeed ee waa in Xukuumaddu ku dartaa awood ah in Dadku qaataan waxay doonayso, waa inay daba gashaa, waa inay firfircooni ku dartaa, waa in Maqaaxiyaha la iska fadh-fadhiyo Go’aan ka gaadhaa, waa Inay go’aan ka gaadhaa Masaajiddada la isugu imanayo, waa inay go’aankeeda daba  socotaa, laakiin haddii Wacyi-gelin keliya idaacadda laga siidaayo oo la yidhaahdo ‘Kala fogaada’..” ayuu yidhi. waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey sida Dadka Magaalooyinka la dhex shaqeeya ama kuwa aan Shaqooyinka hayn loo xerayn karo, maaddaama oo ay yihiin Dad Nolol maalmeedkooda la tacaalaya “Laba dhib, waxa laga eegaa dhibka culus, haddaad ku istaagto Masaakiin baanu nahay oo keliya waxa soo socda waxa Ishaada iyo Qalbigaagu ka naxaan, markaa dhibaatada midna waa mid aad arkaysid maanta, sida shaqo la’aanta, Masaakiinnimada, midna waa mid kugu soo socota oo hadday timaaddo (Ilaahay kuguma keenee) hadday timaaddo ummaddu tarab-tarab u wada baaba’do, maxaa la faa’iday…”

Dr. Gaboose waxa lale oo uu  sheegay in aanay khasab ahayn in laga guulaysto Covid_19, balse loo baahan yahay in la isku dayo in laga guulaysto “Khasab maaha inaad guusha boqolkiiba boqol gaadho, laakiin waa in la isku dayaa. Anigu waxaan tebayaa Dadkii ay Ummaddu u dhiibatay Awooddeeda, markaa waa in wacyi-gelinta Idaacadaha ka socota lagu daraa Ficil, ficil kiibaan tebayaa anigu. Hadda Masaajiddo ayaa iska wada furan, waa in Wadaaddada loo yeedhaa oo ay qayb ka noqdaan sidii Dadka loo kala fogayn lahaa, Maqaaxiyaha Konton kontonka loo fadhiyo, waa in ficil lagu daraa sidii wax looga qaban lahaa..:”

Dr. Gaboose ayaa sidan ka sheegay Dooddii Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da oo uu ka qayb-galay Jimcihii Shalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here