Duqa Magaalada London oo La Kulmay Wiilka Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow

0
462

London (Hargeisa Press)- Duqa magaalada London, Sidiiq Khan ayaa la kulmay wiilka Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ahaa guddoomiyihii gobolka Banaadir oo dhawaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaadhay qarixii ka dhacay dhismaha maamulka Banaadir.

Sadiiq Khan waxaa uu tacsi u diray dhammaan eheladii uu ka geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Yariisow.

Waxaa uu sidoo kale la kulmay qurba joogta Soomaalida ee ku sugan London isla markaasna waxaa uu ka hadlay doorka bulshada Soomaalida ay ku leeyihiin horumarada dalkaas.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here