Dugsi Sare Oo Laga Hirgelinayo Faroweyne Oo La Dhagax Dhigay

0
548

Faroweyne (HP): Wasiirka wasaarada waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo uu wegelinayay murashax C/laahi Gavmo-dheere, ayaa maanta dhagax dhigay dugsi sare oo ay yeelanayso degmadda Faroweyne oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.


Dhagax dhigaasi waxaa wasiirka iyo murashaxa ku wehelinayay wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarshadda, aqoon yahan Maxamed Xuseen Jaamac, iyo masuuliyiin kale.
Dugsigan waxbarasho ayaa laga dhagax dhigay deegaanka Gadhka Yogolka oo ka tirsan degmadda Faroweyne.
Kaasoo noqonaya dugsigii sare oo noociisa ah oo ay yeelato degmadda Faroweyne iyo deegaamadda hoos yimaadda.

Hirgelinta dugsigani waxaa qayb ka ah ururka Gabaad oo si gaar ah loogu hanbalyeeyay arrintaasi.
Dugsigan ayaa loo qorsheeyay inuu noqdo afar fasal iyo xafiis, sida ay sheegeen masuuliyiinta degmadda Faroweyne.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here