Mid Kamid Ah Libaaxyadii Warancade oo Baxsaday iyo Laba Qof oo Uu Dhaawacay

0
2636

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wararka hada na soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in goordhawayd uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadii Siyaasi Cali Maxamed Warancade uu ku haystay magaaladda Hargeysa.

Taliyaha Ciidamadda Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo goordhawayd la hadlay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyay in caawa uu baxsaday mid kamid ah Libaaxyaddaasi.

Taliyuhu waxa uu sheegay in Libaaxa baxsaday uu dhaawacay laba qof, isla markaana ay  ciidanka Boolisku ay wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxaas baxsaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu dadweynaha u soo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxaas ay ku soo wargeliyaan Ciidamada Booliska.

Geesta kale, Libaaxyada uu dhaqdo Siyaasi Cali Maxamed Warancade ayaa sidan oo kale uga baxsaday beerta lagu xanaaneeyo, iyadoona uu sidan oo kale u dhaawacay dad shacab ah.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa cabsi xoogani la soo deristay kadib markii ay maqleen warka ku saabsan in uu baxsaday mid ka mid ah Libaaxyadaasi.

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here