Roobab Ka Da’ay Magaalada Diridhaba oo Sababay Khasaare Naf iyo Maalba Ah

0
1548

Diridhaba (Hargeisa Press)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay roobab xoogan oo laxaadleh oo ka da’ay magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.

Roobabakan oo ahaa kuwo aad u xoogan oo watay daadad waa weyn ayaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa 2 Carruur ah.

Roobka oo saacado da’ayey ayaa waxa dhashay Daadad waaweyn, taasina waxay keentay inay dumaan Guryo.

Daadadka ka dhashay Roobkaasi ayaa sababay inuu Magaalada Ku Fataho Dooxa weyn Ashawa, kaasi oo Diridhaba dhex mara, taasina waxay keentay inay Guryo dumaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here