DP World oo Agab Caafimaad Gaadhsiisay Berbera

0
1243

Berbera (Hargeisa Press)- Guddida ka hortagga xanuuunka Coronavirus ee gobolka Saaxil ayaa deeq caafimaad ka guddoomay shirkadda DP-WORLD, taas oo loogu tala galay ka hortagga xannuunkaas.

Qalabkaas ayaa waxaa uu isugu jiray Daawooyin, Gafuur-xidhyo iyo goloofisyo.

Waxana qalabkaas lagula kala wareegay xarunta cusbitaalka guud ee Berbera waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Maayarka degmada Berbera, Bahda caafimaadka gobolka iyo xubno matalayay shirkadda DP-WORLD.

Dr Bashiir Diiriye Jaamac isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil ayaa u mahad celiyay shirkadda DP-WORLD, waxaanu  xusay in qalabkaasi wax wayn ka tari doono adeegyada caafimaad ee cusbitaalka guud ee Berbera iyo ka hortagga covid-19.

Madaxa shirkadda DP-WORLD ee Somaliland ayaa sheegay inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii looga gaashaman lahaa xanuunka covid-19 isla markaana ay sii kordhin doonaan dedaalkooda.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan iyo  Duqa degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan ayaa ka mahad celiyay kaalmada caafimaad ee ay ugu deeqday shirkadda DP-WORLD waxaanay tilmaameen in xilligan loogu baahnaa agabkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here