Dowladda Soomaaliya oo Dalbatay In Loo Soo Gacan Galiyo Wasiirka Amniga Jubbaland

0
774

Muqdisho (Hargeisa Press) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay in loo soo gacan galiyo Wasiirkii Amniga Jubbaland oo dhawaan ka baxsaday meel ay ku xidhay dawladda Somalia.

Dawladda Somalia ayaa dalabkeeda ku socodsiisay waaran caalami ah (international warrant) oo loogu soo gacan gelinayo Cabdirashid Cabdinuur (Janan), kaas oo ka baxsaday caddaaladda.

Waxaa ay dowladdu arintan xidhiidh kala sameysay Hay’adda Boliiska Caalamiga ah ee INTERPOL, si loogu maxkamadeeyo  danbiyo la xidhiidha tacadiyo ka dhan ah xuquuqul insaanka iyo ku tacaddiga muwaadiniin aan waxba galabsan.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ay dhiggeeda dalka Kenya ka codsatay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u soo qabato, una soo wareejiso eedeeysane Cabdirashid Xasan Cabdinuur (Janan), arrinkaas oo xoojinaya dadaallada heer Gobol ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo adkeynta xasilloonida.

Warka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xili sidan oo kale qoraal ka soo baxay hay’adda Amensty International oo Kenya lagaga codsaday in u gacan galiso dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Janan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Hargeisa Press Desk/Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here