Colaadii Buuralayda Shidan Ee Gobolka Sanaag oo Nabad Laga Gaadhay iyo Go’aamo Laga Soo Saaray

0
1130

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Waxaa maanta si rasmi ah loo soo afjaray colaadii mudooyinkii u dambeeyay ka taagnayd buuraleyda Shidan ee gobolka Sanaag ee ku dhe xmartay laba beeleed oo halkaasi wada dega.

Dagaalka labada malayshiya-beeleed ayaa salka ku hayay macdan noocya kala duwan leh, oo ay halkaasi ka wada-guran jireen labada dhinac.

Kulan arintan lagu soo afjarayo ayaa waxaa magaalada Ceerigaabo kuwada yeeshay maamulka amniga gobolka Sanaag iyo Madax-dhaqameedka labada beelood, iyadoona laga soo saaray go’aamo adag oo xabad joojin ah oo lagu kala rarayo ciidan beeleedka.

Waxaana halkaasi go’aamadaas xabad joojinta ah ka akhriyay Guddoomiyaha maxkamada Racfaanka ee gobolka Sanaag Maxamed Axmed.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here