Itoobiya oo Fashilisay Weerarro Ay Al-shabaab Qorsheysay

0
993

Addis ababa (Hargeisa Press)- Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la, damacsanaayeen Itoobiya balse laamaha amniga ayaa fashiliyeen.

Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan. Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida “looga hortagay weerarrada Al-Shabaab”. Wuxuu yidhi:

“Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan ayay damacsanaayeen, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.”

“Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy.

“Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kooxahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yidhi.

“Dowladda dhexena waxaa ka go’an iney si weyn wax uga qabato amniga iyo xasiloonida gudaha balse dadaalka dowladdu wuxuu midha dhal noqon karaa marka ay qaybaha ay khuseyso iyo shacabka guud ahaan, kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan,” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed.

Dagaallada hubeysan ee dalkaasi ka socdo

Ra’isal wasaaraha su’aalaha kale ee xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ay weydiiyeen waxaa ka mid ahaa, dagaalla hubeysan ee u dhexeeya qowmiyadaha, kuwaas oo sababay xasillooni daro ka jirto gobollada qaar.

“Xalka ugu wanaagsan waa waddada nabadeed, hase yeeshee hal dal labada quwadood oo wada hubeysan iyo laba dowladood kama wada jirayaan. Dalka waa waddan hadda dimuqraadiyadda curdun ku tahay oo hadda uun albaabbada dimuqraadiyadda furey.

Dadku waxaa wanaagsan wixii u dhaxeeya waan waan, wada hadal iyo wadaxaajood iney ku dhamammeeyaan.”

“Waddada taa ka soo hadha ma aha mid guul lagu gaadhi karo si ay taa u dhicin innaga oo dulqaad aad u weyn muujineyna, dadaallo arrintan lagu xalliyo ayaan u galnay kaas oo weli aan sii wadeyno. Hase yeeshee, dalku si uu u noqon dal laba dowladood leh, dowladda sharciga ah ee dalka hoggaamineysa iney tillaabbo sharci ah qaaddo ayey noqoneysaa.”ayuu yidhi Ra”iisal wasaaraha Itoobiya.

Doorashada 2020

“Arrinta ku sabsan dorashada, guddiga doorashooyiinka wuxuu hoos tagaa golaha wakiillada shacabka, guddiga doorashooyinka haddii uu u baahdo inuu sharciyadiisa dib u habeyn ama wax ka beddelid ku sameeyo, iyada oo gola wasiirro soo marin idinka ayuu idiin soo gudbiyey,” ayuu yidhi Abiy Axmed oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay arrimaha doorashada.

“Anigu si la mid ah muwaaddiiniita dalka, doodaha laga yeeshay sharciga doorashooyinka, warbaahinta oo aan kala socday mooyee, ma arag mana ansixinin sida aan shuruuc kale ku sameeyn karno. Xagga qalabka iyo dhaqaalaha uu u baahnaa waan ka caawinnay balse sharciga faraha lama gelin.”

“Arrinta ku saabsan xilliga doorashada la qabanayo, Gudiiga doorashooyiinka ayaa u xilsaaran, waxaana ku waajib ah doorashada iney dhacdo ugu yaraan bil ka hor inta aan la gaadhin xiliiga dowladda la soo dhisi lahaa”. “Balse doorashada xilligaa kama dib dhici karto dastuurka ayaa sidaa dhigaya, xilliga doorashada ku habboon guddiga wuxuu kala tashanayaa xisbiyada siyaasadeed,” ayuu yidhi Ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

 

Hargeisa Press Desk/Addis Ababa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here