Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Eedeyn Uga Timid Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

0
658

Muqdisho (Hargeisapress)- Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ay ka gaabisay sugida Amniga taa badalkeedana Al-shabaab ku dhaxmilmee xarumaha Dakhliga iyo hay’addaha Amaanka dowladda Soomaaliya.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Aadan Isaaq  Cali ayaa sheegay in amniga dalka aanu xilligan aheyn sida Siyaasiyiinta qaar ay sheegayaan,isla markaana uu aad uga xumaaday hadallada qaarkood ee kasoo yeedhaya siyaasiyiinta.

“Waxaan aad uga xumahay dad sheeganayaa mucaarad inay sheegaan warar noocan oo kale ah waana kuwa dhiiragelinaya Al-Shabaab, sidoo kalena niyadjab ku abuuraya shacabka,shaqsiyaad ku dhexjira dowladda in ay hadalkaasi sheegaan ay tahay gef iyo mas’uuliyad darro ayuu yidhi Wasiir Aadan Isaaq.

Wasiirka ayaa isaga oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad ka saaran ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliya, hasse ahaatee hadalllada qaar looga wanaagsanaa in aan Shabaab lagu dhiirageliyo.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wakhtiga Al-shabaab awood buuxda u leeyihiin wixii ay doonaan ka dhax sameeyaan hay’addaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay hadda bilaabeen in ay canshuur ka qaadaan dekedda Muqdisho.

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here