Laascaanood: Jabhad Weerartay Saldhig Boolis iyo Wararkii U Dambeeyay

0
815

Laascaanood (Hargeisapress) – Jabhad la sheegay inay ka tirsan Kooxda Khaatumo ayaa xalay Weerar gaadmo ah ku qaaday Saldhigga dhexe ee Magaalada Laascaanood.

Wararka ayaa sheegay in Jabhadda Khaatumo ee Weerarka ahayd iyo Ciidamadii Saldhigga Booliska ku sugnaa ay rasaas is waydaarsadeen.

Lama Sheegin Dhimasho ama dhaawac ka dhashay Weerarka Jabhadda Khaatumo ku qaadday saldhigga Booliska Laascaanood iyo Rasaasta ka dambaysey ee ay Ciidammada is-dhaafsadeen.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Rasaastii labada dhinac iswaydaarsadeen ay qayb ka mid ah Jiingadda ka qaadday Xarunta Dawladda Hoose, halka rasaastu gaadhay Xarumaha Baanka, Maaliyadda, Masjid Jaamaca Laascaanood iyo Qaybo ka mid ah Guryaha Dadka Shacabka ahi deggan yihiin ee halkaa ku dhawaa.

Maamulka Gobolka Sool iyo Saraakiisha Amniga ayaan illaa hadda wax war ka soo saarin dhacdadan, waxayna Weriyeyaasha oo isku dayey inay arrintan wax ka waydiiyaan u sheegeen in aanay xilligan ka hadlaynin.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee Jabhadda Khaatumo ka mid ahi ku qaadaan Magaalada Laascaanood, waxayna isla toddobaadkan gudihiisa weerarreen saldhig ciidan ku yaalla duleedka Laascaanood, weerarka hore wax khasaare ahi kama dhalanin, sida uu sheegay Taliyaha qaybta Booliska Sool oo xilligaa ka hadlay.

Ugu dambayn, Weerarradan ayaa ku soo beegmaya xilli Labadii bilood ee u dambeeyay ay Magaalada Laascaanood ka socdeen Mashaariic horumarineed, kaasi oo uu ugu weyn yahay Qorshaha Magaalaynta Laascaanood (Town Plan), kaasi oo ay Waddo Dawladda Somaliland.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY