DEG DEG: Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland Ugu Jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle oo Saaka Dibedda Uga Baxay Fadhigii Golaha

0
1183

Hargeisa (Hargeisapress) – Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ugu jira Gobollada Sool, Sanaag-bari, Awdal, Selel iyo Buuhoodle ayaa dibedda uga baxay Fadhi Saaka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiis Saddexda Xisbi Qaran ka gaadheen in Komiishanka doorashooyinka lagu kordhiyo laba Xubnood.

Xildhibaannada Fadhiga dibedda uga baxay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay diiddanayn in doorashadu xilligeeda ku dhacdo, balse ay ka soo horjeedaan in doorashada Wakiillada la galo iyadoon heshiis laga gaadhin Saami-qaybsiga Kuraasta Wakiillada.

Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ah Xisbiga KULMIYE, kana mid ah Xubnaha dibedda uga baxay Fadhiga Maanta ee Golaha Wakiilladu ku ansixiyey heshiiska Saddexda Xisbi Qaran ee Komiishanka lagu kordhinayo 2-da xubnood ayaa isagoo sababta ay uga baxeen fadhiga Sharraxaya wuxuu yidhi “Anagoo ah Xildhibaannadii Gobollada Awdal, Selel, Sanaag, Sool iyo Buuhoodle, waa dhulbahante, Warsen-geli, Ciise, Samaroon, waxaanu nahay Xildhibaannadii ka soo jeeday deegaannadaa, waxaanu uga soo baxnay heshiis ku sheeg la yidhi saddexda Xisbi Qaran ayaa ku heshiiyey doorashada Golaha Wakiillada.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Sidaad la socotaan Doorashada Golaha Wakiillada waxa ku gedaanaa Mushkilado badan oo Siyaasi ah, waxa la isku hayey Saami-qaybsiga iyo in Somaliland Caddaalad ku qaybsato Xildhibaannada Golaha Wakiillada, waxa la isku hayey Kootadii Haweenka oo qolooyinka dibeddu innagu soo abaabuleen, waxa la isku hayey Dhaqaalihii (Doorashada), waxa la isku hayey Diwaangelintii Cod-bixiyeyaasha oo aan weli la qabanin, markii Xilkaa Ciddii lahayd ay gudan wayday iyo Tiro-koobka Dadka Somaliland, Saamigii wax lagu qaybsadana lama ogola, markaa Maaddaama oo la yidhi la isku joojin maayo, waxaanu leenahay la isku joojin maayo Somaliland ka socon mayso.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma ogolin heshiiskaa haddaan saami-qaybsiga si Caddaalad ah loo helin, ama Maxkamad geeya ama meel kale geeya annagu ma galayno haddaan Dadka la diwaangelin.”

Xildhibaan kale oo halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu maqlaynaa doorashada sidii hore ayaa lagu galayaa, sidaasi Caddaalad maaha mana yeelayno, Annaga oo aan diiddanayn in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, laakiin horta waa in Saami-qaybsi la helaa..”

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here