Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Gobolka Sool, Diyaargarowga Shacabka iyo Duruufaha Ku Xeeran…! Qalinkii: Mohamed Gacayte

0
873

Bilawgii Sanadkan 2016, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay guud ahaan Dalka Somaliland ka bilaabeen Diiwaangalinta Codbixiyayaasha ee Doorashooyinka soo socda. Gobolka Sool oo ah kii ugu danbeeyayna la bilaabi doono maalmahan soo socda, iyadoo hore loosoo dhameeyay Diiwaangalinta 5 Gobol (Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Sanaag).

 

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo runtii muujiyay dadaal iyo karti kuna guulaystay habsami u socodka hawsha diiwaangalinta oo gacan wayn ka helayaan shacabka ku nool Gobolada iyo Degmooyinka ay kolba hawshu ka socotay, Maantana lasoo gaadhay Gobolkii ugu danbeeyay oo ah dhamaystirka Diiwaangalinta Codbixiyayaasha iyo Geedi Socodka Hanaanka Dimuqraadiga ah.

 

Diiwaangalinta Gobolka Sool ayaa loo mudeeyay inay bilaabanto Bishan 23/08/2016, Sida Komishanka Qaranku ay ku dhawaaqeen, waxa jira diyaargarow balaadhan oo Shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Sool ay ugu diyaar garoobayaan inay qaataan Kaadhka Codbixinta Doorashada soo socota. Waana xaq muwaadin kasta ku leeyahay dalkiisa si uu u noqdo codbixiye xor ah qofka uu doonayo ama uu isleeyahay danta dalka ayaa ku jirta. Gobolka Sool oo ah Gobolka ugu danbeeya Diiwaangalinta Codbixiyayaasha waxa ka danbeeyana ay tahay qabsoomida doorashooyinka (Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada) ee soo socda.

 

Waxaan ku kalsoonahay Dadweynaha ku dhaqan Gobolka Sool oo si wayn ugu diyaar garoobay qaadashada kaadhka codbixinta, hadana waxa jira duruufo adag oo u baahan dadaal dheeraad ah in lagaliyo Nabadgalyo ahaan iyo Farsamo ahaanba in lawada gaadhsiiyo Sanaaduuqda diiwaangalinta. Xukuumadu waxa looga baahan yaahay inay gacan wayn kasiiso Komishanka Qaranka sidii loowada gaadhi lahaa Goobaha Degmooyinka Gobolka Sool. Waxa jira cabashooyin laga qabo Goobaha Diiwaangalinta inaanu Komishanku wada gaadhsiin siiba degmooyinka ku teedsan xuduudka ama jiida hore ee ciidanka qaranka Somaliland ku suganyahay.

 

Maanta waxa muuqata in Shacabka Gobolka Sool ay diyaar u yihiin inay helaan xuquuqdooda muwaadinimo kana qayb qaataan Doorashooyinka Soo Socda, balse waxa muuqata in Xukuumadu wado dabino qarsoon oo la doonayo in lagu carqaladeeyo ama ay siyaasadayso Diiwaangalinta Gobolka Sool iyagoo cimri dherer ka dayaya, waxaana jira dareeno muujinaya gaabis dhinaca Nabadgalyada ah sida uu Komishanku ka dhawaajiyay inay Goobaha qaar aanay tagi karin arimo nabadgalyo darteed ayaanay komishanku sanaaduuq gaynin goobo ay ahayd in layska diiwaangaliyo. Sidoo kale shacabka deegaanadaas ku nool ayaa ka hadlay arinkaas sheegayna inaanay wax dhibaato ahi ka jirin xaqna ay u leeyihiin inay is diiwaan galiyaan. Arimaha Nabadgalyada Waa masuuliyad ay Xukuumadu leedahay lagana rabo inay xil wayn iska saarto Diiwaangalinta Gobolka Sool, Nabadgalyo ahaana la xoojiyo. Komishankana waxa laga rabaa inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan habsami u socodka hawsha diiwaangalinta, Xukuumadana ay cadaadis ku saaraan xoojinta Amniga iyo ilaalinta hawl wadeenada Komishanka iyo Qalabkooda, lana ixtiraamo rabitaanka Bulshada ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Sool. Shacabkana waxaan usoo jeedinayaa inaad xil wayn iska saartaan qaadashada kaadhka codbixinta oo aad muujisaan cududiina codbixineed, komishanka qaranka aad gacan kasiisaan habsami u socodka hawsha diiwaangalinta. Waxaan ilaahay ka baryayaa inay Nabadgalyo iyo Guul kusoo dhamaato.

 

Alaa Mahad Leh

Qalinkii: Mohamed Aadan Gacayte

Hargeysa/Somaliland

Gacayte09@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here