Dhalinyarada iyo hogaaminta dalka Qallinkii: Mukhtar Cabdi Cilmi

0
933

Tan iyo markii somaliland ku dhawaqday la soo noqoshadedii qaranimada somaliland  bishii may 1991, somaliland waxay ku talaabsasaty horumar aad u baladhan oo dhinacayda hananka dimuquradiyada iyo  dawlada wanaaga, horumarka dhinaca koboca dhaqaalaha iyo xaga waxbaeashada oo ay samaysay kor ukac aad u wayn oo caalamku majiirto.

 

Horumarkaa kala duwan waxaa iyaguna qaybtooda si mugleh uga qadanayay dhalinyarda oo ah xooga ama lafdhabarta uu dal leyahay kuwaas oo aad uga dhex muqda dhamaan isbadalada horumarineed ee dalkani ku talaabsaday mudadaa 25 sano ah ee uu xoriyadsa la soo noqday

 

Sidii wayadiii hore dhicii jirty ama dhalinyaradu door muqda kumay lahayn talada iyo hogaaminta dalka taasina waxay keenty in dhalinyaro badani iskaga hayaaman dalkoodi hooyo markii ay ku guuldaraysteen hamigoodii ahaa in talada dalka iyo hogamintisa wax laga siyo

 

Dood dheer ka dib dhalinyaradu waxaa jabiyeen caqabadii ahayd inaan dhalinyatradu isu sharixi karin golayasha deeganka dalka oo ay ku gulaysteen in shurudii xaga da,da ahayd ay ka talaabsadaan, taasina waxay keenty in dorashadii golayasha deeganka dalka ka qabsonty November 28/2012 taasina waxay keenty in dhalinyaro badani ku gulaystaan hankoodi ahaa hogaaminta dalka oo ay mayaro ka noqdaan magaloyin waawyn oo ka mida dalka sida caasimada hargeisa, gabilay iyo meelo kala duwan oo dalka ah

 

Waxaa xusid mudan in balanqadki madaxweynaha somaliland wakhtigii uu ku jiray loolankii hogaaminta daalka uu balan qaday in door mug leh la sin dono dhalinyarada kana qayb qadan donan hogaaminta dalka, run ahantii madaxweynaha balanqadkaa wuu fuliyey oo manta waxaan ka dhex aragnaa dhalinyaro badan oo ka qayb qata hogaaminta dalka markii uu madaxweynaha siyay kalsoni ay ku mujin karaan kartidooda hogamineed iyo kaqayb qadashada horumarka dalka ka socda waxay dhiri galin siisay dhalinyarao badan oo niyada ku hayay in ay maruun dalka taladisa wax laga waydiyo soona ban dhigan fikradahooda  tolmoon ee dalkani ku gaadhi karo horumar la majiirto.

 

Waaaanu lenahay madaxweyne sii kordhi sida wanaagsan ee aad dhalinyarada reer somaliland ee dalka gudihisa iyo dabadisaba wax ku soo baraty aad ugu dhibty xilalka kala duwan taas oo ay ugu dambaysay isku shandhayntii ugu dambaysay ee dhacaday 14/8/2016 oo ay ka dhex muqdaan dhallinyaro badan oo loo magacabay xilal kala duwan kuwas oo aan dawladihi hore ku dhiran in dhalinyarada lagu aamino

 

Waxaan ku soo afmerayaa qoralkygan dhalinyaradu waa xooga dalkani leyahay waana dadka ugu badan ee codeya wakhtiga doorashoyinka ee halagu dadaaalo sidii iyagana looga faa,iidaysan lahaa aqoontooda iyo xoogoda

 

Hakana waantobaan  dhalinyarada xilalka kala duwan hayaa inay ku milmaan qabyalada oo ah xanuun la dagaalama horumarka dalka iyo isku dubnida umada.

 

Mukhtar Cabdi Cilmi

Samiir.net@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here