Waftigii Madaxwayne Siilaanyo oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Deegaanka Adhi-cadeeyey Ee Gobolka Sool

0
762

Adhi-cadeeye, (HargeisaPress) —Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay madaxwaaynaha qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo saaka xilli hore  ka baxay magalada caynaba oo xalay u hoydeen ayaa waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyey deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka sool.

 

Waxaana waftigan madaxwaynuha si balaadhan deegaankaasi ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta deegaanada adhi-cadeeye iyo xaysimo,madax-dhaqameed,dhalinyaro haween iyo waliab shacabka deegaanka adhi-cadeeye.

 

Waxaana madaxwaynaha iyo waftigan la filayaa inay ka qayb galaan shir lagaga hadlayo muhiima ay leedahay diiwaangalinta codbixiyayaasha ee ka bilaabmaysa deegaanada gobolka sool oo ka dhacaysa deegaanka Adhi-cadeeye,iyada oona isla caawaba la filayo inay u hoydaan magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here