Dibad-baxyo Muqdisho Ka Dhacay iyo Sawirada Farmaajo oo Jidadka Lagu Gubay

0
2113

Muqdisho (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay dibad-baxyo waa weyn oo lagaga soo horjeedo dil uu askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya xalay u gaystay laba qof oo shacab ah.

Dadkan ayaa waxaa loo dilay inay jebiyeen bandowga ay dowladda Soomaaliya saartay Muqdisho, oo ka billaabanaya 7-da habeennimo.

Cadhada ayaa waxa hadda u muuqata inay ku wajahan tahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana la arkayey dibad-baxayaal ku sugan Barta wareegsan (roundabout) ee degmada Shingaani, oo soo ridaya sawirka Madaxweyne Farmaajo ee halkaas ku dheggan.

Dadkan cadheysan ayaa sidoo kale ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya iyo ciidamada Dowladda, gaar ahaan kuwa booliska.

Cadhada ka muuqata shacabka Muqdisho ayaa ah mid aan hore loo arag, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda faraha kasii baxdo.

Allaha u naxariistee labada marxuum ee la dilay, ee dhaliyey kacdoonka shacabka Muqdisho, ayaa kala ahaa. 1- Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar daganeyd Boondhere. 2 – Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar daganaa Boondheere.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le booliis 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir, kaasi oo hadda ku jira gacanta Hay’addaha Garsoorka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here