Cabsi Xoogan oo Laga Qabo Dagaal Dhexmara Mareykanka iyo Iran

0
1267

Washington (Hargeisa Press)- Waxaa is soo taraysa weerarka dhanka afka ah ee ay is waydaarsanayaan madaxda Iran iyo Mareykanka.

Madaxwayne Trump, ayaa qoraal uu barta tweetar-ka soo dhigay waxaa uu ku amray abaanduulayaasha ciidamada badda ee Mareykanka “inay toogtaan” doomaha ciidamada badda ee Iiraan ee dhibaataynaya marakiibta dagaalka ee Mareykanka.

Arrintan waxay ahayd hanjabaadii ugu adkeyd ee ku aadan tallaabo militari oo toos ah oo lagu hanjabo tan iyo horraantii sanadkan.

Bilowgii sanadkan ayaa waxaa cirka isku shareertay xiisadda u dhaxeysa labada dal ka dib markii ay mareykanka dileen abaanduule sare oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan Janaraal Qasem Soleimani.

Arrintan waxay Mareykanka iyo Iiraan qarka u saartay in uu dagaal dhexmaro.

Maxaa imika sababay digniinta madaxwayne Trump.Maxay se tahay sababta mareykanka iyo Iiraan oo la daalaa dhacaya Covid-19, ay dib ugu soo cusboneeyeen xiisadda?

Sababta ugu dambeysay ee fariinta madaxwayne Trump ayaa ahayd ka dib markii toddobaadkii aanu soo dhaafnay ay dhowr doomood oo ah kuwa hubku saaran yahay ay ku xad-gudbeen maraakiibta ciidamada badda Mareykanka ee ku sugan gacanka Carbeed.

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa waxay sheegeen in mid ka mid ah doomaha dagaalka Iran oo xawaara sare ku socotay ay isku hor gudubtay oo 9 mitir ay u jirsatay Markab dagaal oo ay Mareykanka leeyihiin.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa waxay qireen inay dhacdadan jirtay, balse waxay ku eedeeyeen mareykanka.

Abaanduulaha ciidamada Iran, Gen Hossein Salami, ayaa sheegay Khamiistii in uu ku amray cidamada badda Iran “inay burburiyaan ciidamada argagixisada ee Mareykanka ee ku sugan gacanka Beershiya “, sida uu hadalka u dhigay, “kuwaasi oo halis galinaya ciidamada ammaanka Iraan iyo Maraakiibta rayidka “.

Cabsida imika la qabo ayaa waxay tahay in hadalada dagaalka afka ay isu badalaan ficil.

Hasa yeeshee, “Amarka ” madaxwayne Trump ee barta Tweetar-ka ayaa isbadal yar sameynaya.

Abaanduulayaasha maraakiibta dagaalka ee mareykanka ee ku sugan gobolka gacaanka ayaa horaba awood ugu lahaa in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah oo lagu difaacayo amaanka maraakiibta iyo shaqaalaha saaran.

Balse dhacdadani waxay muujinaysaa iyada oo dareenka caalamka uu ku sii jeedo cudurka Corona in wali xiisadihii jiray ee caalamka ayna dhamaanin.

Xiisadahan ayaa laga yaabaa in ay sii xoogeystaan.

Dhanka kale, Iran ayaa hormar sii sameynaysay dhanka militari ahaan.

Arbacadii ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan waxay sheegeen in ay tijaabiyeen Dayax-gacmeed militari taasi oo muujinaysa in ay sii hormarinayso barnaamijyadeeda dhanka gantaalada.

Iyada oo Iiraan ay wali ku jirto heshiiskii ay la gashay quwadaha waaway 2015 ee xaddidayay howlaheeda Niyukleerka ayaa hadana waxay jabisay qaar ka mid ah shuruudihii heshiiskaasi.

Sababta ayaa ah in Mareykanka iyo Iran ay iska leeyihiin istaraatijiyado iyo hadafyo aan wali isbadalin.

Iran ayaa doonaysa in ay hoos u dhigto galaan-galka Mareykanak ku leeyahay gobolka ayna sii kordhiso saamaynta ay gobolka ay ku leedahay.

Weeraradii ay dhawaan israa’iil ka fulisay Suuriya ayaa muujinaya tusaale ku aadan in Iran iyo dalalka ay saaxibada yihiin ay wali hadafkoodii hore daba joogaan.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasah Iran – ayaa rumaysan iyada oo Mareykanka xilligan la daalaa dhacayo cudurka Covid-19 aanu Mareykanka niyad u hayn arrimaha gobolka Gacanka.

Si la mid ah Mareykankaa ayaa laba-laabay , “cadaadiska ” uu ku hayo Iran, iyaga oo rumaysan in cudurka Corona ee Iiraan ragaadiyay ay ugu dambeyntii sababi karto burburka dowladda kacaanak Iiraan.

AFP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here