Dibad-baxyo Maanta Ka Dhacay Magaalada Boorama

0
690

Boorama (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya magaaada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen shalay.

Dibadbaxan ayaa ka dhacay saaka xaafada Sisibta ee magaalaa Boorama, waxaanay dadkaasi shacabka ahi ay dalbadanyaan in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Suldaanka la xidhay.

Sidoo kal,e ciidamada Booliska gobolka Awdal ayaa waxay kala dareeriyeen shacabkii mudaharaadyada dhigayey, waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo ay rasaasi lugta kaga dhacday sida ay sheegayaan Wararka ay magaalada Boorama ka helayso Shabakada Hargeisa Press.

Dhinaca kale, waxa jira warar la isla dhexmarayo magaalada Boorama gudaheeda oo sheegaya in Suldaan Abshir loo qaaday dhinga xabsiga Mandheera, inkastoo Taliska Bileyska qaybta gobolka Awdal ay beeniyeen arintaasi.

 

Hargeisa Press Desk/Boorama Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here