Dhimashada Weerarkii London oo korodhay iyo Ra’iisul wasaare Theresa May oo sheegtay inan Doorashada loo hakinayn argagixiso + SAWIRRO

0
1278
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa goobta gaadhay

London, (HargeisaPress) —Booliska magaalada London ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in todoba qof ay ku dhinteen 48 kalena ay ku dhaawacmeen wax ay ku tilmaameen fal argagixiso oo xalay ka dhacay magaaladaasi.

Saddex qof oo looga shakisan yahay in ay ahaayeen dadkii weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliska.

Weerarka ayaa bilowday ka dib markii gaari la jiirsiiyay dad lugaynayay oo marayay buundada caanka ah ee London Bridge.

Mid ka mid ah gobjoogeyaashii halkaa ku sugnaa markii uu weerarka dhacayay ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay saddex nin oo mindiyo ku hubeysan isla markaana ordaya meel u dhaw buundadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dhowr qof oo waddada marayay ay raggaasi tooreey la dhaceen.Daqiiqado kaddib waxaa goobta gaaray booliska, waxaana la maqlay rasaas.

Dhanka kale, duqa magaalada London, Sadiq Khan, ayaa cambaareeyay weerarkan, waxa uuna ku tilmaamay mid fulaynimo ah.

Sadiq Khan ayaa intaa ku daray in uusan jirin qiil loo helayo falalkan cawaannimada ah.

In ka badan 80 ah howlwadeennada gurmadka degdeg ah ayaa durbadiiba gaaray goobta uu weerarka ka dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in doorashada guud ee dalkaasi ka dhacaysa Khamiista soo socota aan loo hakin doonin weerarrada argagixiso ee waddankaasi hareeyay.

Askar hubaysan ayaa goobta loo diray

Waxa ay intaa ku dartay in aan la ogolaan karin in falalka amni darrada ah ay qalqal galiyaan hannaanka dimuqraadiyadda.

Theresa May ayaa hadalkan jeedisay saacado ka dib weerarkii ka dhacay bartamaha London ee ay ku dhinteen 7 qof, ayna ku dhaacawmeen ku dhawaad 50 kale.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegtay in kooxaha weerarkan iyo kuwii ka horreeyayba fuliyay ay taabacsan yihiin waxa ay ku tilmaamtay caqiiqadada sharta wadata ee xagjirka Islaamka, taasoo ay ku sheegtay mid khaldaysa diinta saxda ah iyo qiyamka Britain.

Ra’iisul wasaaraha Britain Theresa May

Waxa ay ugu baaqday shacabka dalkeeda in ay midnimada xoojiyaan oo aanay fursad siin kooxaha xagjirka ah iyo afkaartooda.

Axsaabta siyaasadda ee Britain ayaa hakiyay ololahooda doorashada, weerarkan awgii.Madaxwaynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa sheegay in waddankiisu uu garab taagan yahay Britain kaddib waxa uu ku tilmaamay musiibadan ugu danbaysay.

Madaxwayne Trump ayaa dhankiisa sheegay in Maraykanka ay samaynayaan wax kastaa oo karaankooda ah si ay u caawiyaan Britain.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa wax ka yar labo toddobaad kaddib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Machester ay ku dhinteen 22 qof.

BBC

advertisements

HargeisaPress News Desk — Berbera

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here