Dhambaal Furan Oo Ku Socda Kooxaha Tirada Yar Ee Ka Soo Horjeeda Heshiiska Shirkada DPW Ku Maalgalinayso Dakada Barbara Run Iyo Raad Raac

0
1120

HargeisaPress —Aqoonyahanka Iyo Indheer Garadka Arimaha  Maalgashiga Aqoonta Gaara U Leh Mucaarid Iyo Muxaafidba  Waxay  Ka Marag Kacayaan In  Heshiiska Maalgashi Ee Dhex Maray Xukuumada S/land  Iyo Shirkada { D P W } Fure U Noqon Doonto Aqoonsi Caalami Ah Oo Somaliland Hesho .    

 

Waxaa hubaala in Muwaadiniinta , Aqooyahanka iyo Indheer garadka Arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga Aqoonta gaara u leh Mucaarid iyo Muxaafidba ay qalbi furan ku soo dhaweeyeen Heshiiska Taariikhiga ah ee dhex maray Xukuumada S/land iyo Shirkada [ D P W ] oo ah Shirkad wayn oo Maamusha Dakado badan oo dacalada Aduunka ku yaala , Iyadoo Aqoonyahanka iyo Indheer garadka arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga u kuur gala Mucaarad iyo Muxuufidba  ka marag kacayaan  in Heshiiskani fure u noqon doono Aqoonsi Caalami ah oo S/land hesho , Dakada Barbera oo Waqti gaaban ku  noqon doonta ta ugu Caansan uguna Qalabka Wanaagsan  Dakadaha Wadamada Geeska Afrika ku yaala ee tartanku ka dhexeeyo, Shirkado badan oo ku soo dhiirada in ay Maalgashadaan khayraadka dihin ee S/land , Ganacsiga  iyo Dhaqaalaha oo sare u kaca , Kumanyaal  Dhalinyaro ah  oo  Shaqooyin  ka hela , Iyadoo  Aqoonyahanka iyo Indheer garadka arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga Aqoonta gaara u leh Mucaarad iyo Muxaafidba  ka marag kacayaan in horomarka baaxadaa lihi Dalka iyo Dadka ugu jiro heshiiskan dhex maray Xukuumada S/land iyo Shirkada [ D PW ] Balse Nimco waliba nusqaan lehe waxaa jira  Kooxo  Tiro yar oo mar kasta isku daya in ay hor joogsadaan talaabo kasta oo  dhanka Horomarka  loo qaado .

 

 Ugu horaynse waxaa  hambalyo iyo bogaadin mudan Madaxwaynaha S/land Axmed Maxamad Maxamuud Aadan [ Siiraanyo ] oo Siyaasadiisa Hogaamineed Hormood u noqotay Heshiiska Maalgashi  ee Xukuumada  S/land la gashay Shirkada [ D PW ] Sidoo kale  waxaa Hambalyo iyo Bogaadin mudan  Wasiirka Arimaha Dibada DR Sacad Cali Shire iyo Safiirka S/land u fadhiya Dalka Imaaraadka  Carabta Aqoonyahan Baashe Cawil oo kaalin muuqata  ku lahaa Bud dhiga  Heshiiska Maalgashi ee Dakada Barbera , Sidoo kale waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan   waftiga Wasiirada ahaa ee wajigii labaad  Heshiiska Maalgashi ee Dakada Berbera u tagay Magaalada Dubay ee Dalka Imaaraatka Carabta  iyadoo  heshiiskani Fure u noqon doono  Aqoonsi  iyo  iskaashi buuxa oo aynu Beesha Caalamka  kala  yeelano  dhanka Maalgashiga  oo ah furaha hurumarka iyo shaqo abuurka .

Dekadda-Berbera

Waxaase marag ma doona  in ay  jiraan  Kooxo  tiro yar oo mar kasta  isku dayda in ay caqabado u dhigaan  Talaabo  kasta oo dhanka hurumarka loo qaado iyadoo  Kooxdan Tirada yar ay magacyo kala duwan sitaan fikir siyaasiya oo mideeyaana aanu jirin waxay talaabo kasta oo dhinaca horomarka loo qaado ku soo weeraraan Shirqoolo iyo hadalo kulul oo bilaa tudhaala oo warbaahinta u mariyaan shirkadaha iskaashiga  dhanka Maalgashiga ah ku samaynaya  Dalka S/land   sida Shirkada Imaaraadka Carabta  laga leeyahay ee [ D P W  ] Shirkadan oo  balaadhin iyo dib u dhisba  ku samaynaysa  Dakada Barbara waxaana hubaala in ay Fure u noqon doonto , Aqoonsi Caalami ah oo S/land hesho, Dakada Barbera noqon doonta ta ugu Caansan  uguna Qalabka Wanaagsan Dakadaha kale ee  Wadamada Geeska Afrika ku yaala Tartankuna ka dhaxeeyo , Shaqooyin  badan oo  Dhalinyaradu ka heli doonto , Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka oo sare u kici doona , iyo Shirkado kale oo Wadanka ku soo dhiirada  Mashaariic badana Wadanka  S/land ka Maalgashan doona .

 

 kooxdan Tirada yar ayaa  hore caqabado ugu dhigay  Shirkadihii baadhista Shidaalka ka waday  Gobolada Bari ee  S/land  iyagoo soo abaabulay kooxo ku kacay  falal amni darro oo shaki  iyo cabsi ku abuuray  Shirkadihii Shisheeye ee Baadhista Shidaalka u yimid Somaliland .      

 

Anigoo  bulsho waynta S/land ku guubaabinaya in ay ka foojignaadaan in laga horkeeno Horomarka Mustaqbalka Dalkooda  iyadoo  hadalada ka soo yeedhaya   Kooxdan Tirada yar  ee  Caqabada  ku ah  Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakaduba  sidii looga bartay ay Mudo Bil ah  ku hawlan yihiin in ay Dhalinyarada kiciyaan oo marin habaabiyaan  si ay Mustaqbalkoodo uga xumaado iyadoo Kooxo  Dhalinyaro ahi  Maalmahan u danbeeyay ku dhawaaqeen Magacyo Ururu la garanayo ujeedooyinka loo aasaasay Kooxdan daaha dabadiisa Dhalinyarada ka hagaya  ayaa kala ah.        

 

1 : Xisbiga  Mucaaradka ah ee Wadani  oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin aragti gaaban oo Dal iyo Dadba dan ka lahayn   oo qabyo badan oo gudaha  Xisbigooda   taala   ku guul daraystay in ay  qabyo tiraan   soona  saaraan murashaxiinta doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka ee Xisbiga Wadani  uga  tartami doonta doorashada soo socota ee Madaxwaynaha  anigoo Bulsho waynta Somaliland   ku Guubaabinaya in aanay hadalkooda dhag u dhigin oo aan laga hor keenin Horomarka Dalkooda ka curtay.   

 

2 : Waxaa jira Ciroolayaal Horomarka Dalka iyo  Horomarka Dakadaba  Caqabad ku ah oo  Shacabka S/land kala fogeeya oo sokeeyaha  isku soo jiidin oo hadalkiisu Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo meel ka dhac ku yahay anigoo  Bulsho Waynta  S/land  ku Guubaabinaya in aan  hadalkooga  la dhagaysan .

 

3 ; Waxaa jira  Siyaasiyiin  gooni u socod ah  oo Xisbi laawe ah oo Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakadaba  diidan oo Kursi Jacaylku madax maray oo Xukuumad aanu ka mid ahayni ka nabad galin  anigoo Bulsho Waynta S/land  ku Guubaabinayaa  in aanay  hadalkooda la rumaysan  .

 

4 : Waxaa jira  Shaqsiyaad ku jaho wareeray saaxada siyaasada oo aqoon daro badani hadalkooda  ka muuqato  oo  Wax magarato ah oo Mucaaradka Hadalkooda buun _buuniya kor u qaada  anigoo  Bulsho waynta S/land ku Guubaabinayaaa  in aanay Hadalkooda  dhag u dhigin  .

 

Isku soo wada duubuu  waxaa hubaala in Kooxdan Tirada yar  ay aragtiyo badan la wadaagto  una adeegto  kuna shaqaynayso  Siyaasada  Dawlada Taagta Daran ee Muqdisho oo  hadh iyo habeenba  ku hawlan sidii ay u wiiqi lahayd Horomarka iyo Midnimada Shacabka S/land isla markaana ay caqabad ugu dhigi lahayd  Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakadaba.

 

 

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle   

Sacadmxs@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here