Dhagaysiga Dacwada Sheekh Aadan Sunne Loo Haysto Oo Saaka Ka Bilaabmatay Maxkamada Gobolka Hargeysa Iyo Ciidamo Tiro Badan Oo Saaka Lasoo Dhoobay Wadooyinka Maxkamada

0
860

Hargeysa, (HargeisaPress) —Waxa saaka maxkamada gobolka maroodi-jeex la keenay sheikh Aadan Sunne oo kamid culimada magaalada hargeysa taas oo saaka dhagaysiga dacwaadaasi ka bilaabmatay maxkamada.

 

Waxaana markii saaka maxkamadda la keenayay Sheekha wadooyinka magaalada iyo agagaarka maxkaada gobolkaba la soo dhoobay ciidamo tiro badan kuwaasi oo aan ogalayn in gaadiidku hor maraan maxkamada isla markaana aad u adkeeyey amaanka maxkamadda, sidoo kalena waxaanay ciidamadani ogalayn in warbaahintu ay gudaha u gasho maxkamadda.

 

Sheekh Aadan Sunne ayay dhawaan ciidamada RRU-du kala baxeen gurigiisa xilli habeenimo ah ayaan ilaa hada la garanayn dacwada loo haysto sheikh wallow ay jiraan warar kala duwan oo kasoo baxaya dacwadiisa oo ah in sheikha loo haysto muxaadiro uu jeediyay oo ku saabsan jihaadka sidoo kalena waxay wararku sheegayaan in loo haysto arimo la xidhiidh diiwaangalinta codbixiyayaasha oo uu ka hadlay.

 

Ilaaa hada ma lama garanayo dacwada loo hayso Sheekh Aadan Sunne balse waxa la filayaa inay goordhaw faahfaahin kasoo baxdo.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here