DEG DEG: Korneyl Caarre oo Ku Gacan Saydhay Shuruudihii Madaxweyne Biixi, Kuna Dhawaaqay Dagaal Cusub

0
1063

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Kornayl Saciid Caarre ayaa si adag uga jawaab celiyay shuruudo uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku xidhay cafis ay Xukuumadiisu u fidiso.

Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cafiyey dhamaan ciidamada Jabhada Korneyl Caarre.

Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cafinta Korneyl Caarre looga baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin, isla markaana cafintiisa ku xidhay inuu isku soo dhiibo Somaliland, oo uu ka soo laabto fikirka jabhadiisa.

Korneyl Caarre oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa ka biyo diiday shuruudaha uu ku xidhay Madaxweynaha Somaliland, isagoona sheegay inaanay matalin Odayaashii shalay Madaxweynaha kula kulmay Madaxtooyada.

Korneylka ayaa sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Madaxweyne Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo aanu marnaba joojin doonin.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay Odayaal ka soo jeeda beesha Korneyl Caarre, kuwaasi oo dabada ka riixayay in la damiyo colaada ka dhaxeysa Jabhada iyo Xukuumada Madaxweyne Biixi, qeybna ka ahaa go’aankii uu Madaxweynuhu cafiska ugu fidiyay ciidamada la jooga Caarre, iyagoona ku guul-dareysatay in bilaa shuruud lagu cafiyo hogaamiyaha jabhada.

 

Hargeisa Press Desk/Ceerigaabo Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here