Dawladda UAE oo Markab Raashin ah Ugu Deeqday Bulshada Abaaruhu Tabaaleeyeen ee Somaliland

0
1177
PHOTO FILE: Somaliland President Ahmed Silanyo met with Emir of Ras al-Khaimah,UAE Sheikh Saud bin Saqr al Qasimi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Dawladda Imaaraadka Carabtu waxay dadka ku tabaaloobay abaaraha kulul ee  ka jira gobollada bariga dalka Somaliland u soo dirtay Markab raashin mucaawimo ah oo ay ugu talogashay samato-bixinta bulshada abaaruhu taseeyeen. Markabkaas oo jidka ku soo jira, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku dhow-dhow xafiiska wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta.

Markabkan raashinka ah, ayaa la sheegay in dawladda UAE ay kaga jawaabtay baaqii caalamiga ahaa ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo u diray beesha caalamka oo uu kaga dalbaday in gurmad bini’aadanimo lala soo gaadho dad lagu qadaray 1.5 Milyan oo abaaruhu saameyn taban ku yeesheen.

Waxa kaloo dawladda Imaaraadku bilaabaysaa 20 ceel biyood oo waaweyn oo ay ka binaynayso deegaannadii abaaruhu ku habsadeen ee ku yaalla Somaliland, iyadoo dhawaan ay qiimeyntii ceelashaasi dhammeystireen wefti khubarro ah oo ka socday Imaaraadka carabta oo uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya UAE  danjire Baashe Cawil Xaaji Cumar.

Sidoo kale, waxa safaarada Somaliland dedaal u gashay inay kasbato dawladda imaaraadka carabta oo ah dal qaniya oo mashaariicdiisa horumarintu ka waxtar badan tahay kuwa dunidda reer galbeedka.waxaanu dalkaasi maalgeliyay mashruuc la xidhiidha biyo ballaadhinta caasimadda oo xilligan gabogabo ku dhow.

Saldhiga Milatariga:

Xukuumadda Somaliland, markii ay aragtay in wadanka  Turkigu uu saldhig milatari ka furanayo Soomaaliya oo halis ku ah jiritaanka iyo qaranimadda Somaliland oo Turkigu hubaynayo  xukuumadda maqaar-saarka ah ee Muqdisho, waxay ka fikirtay inay iyaduna hesho dal xulafo ay la noqoto oo saldhig milatari ka furta Berbera. kaasi oo ah guul siyaasi ah oo u soo hoyatay Somaliland, isla markaana uu ku ammaanan yahay madaxweyne Siilaanyo iyo danjire Baashe Cawil oo muddadii ay Somaliland jirtay ku suntamay inuu noqdo danjirihii ugu dedaalka badnaa ee ku guulaystay inuu UAE dhacsiiyo inay iskaashi la yeelato dawladda Somaliland. dad badan ayaa aaminsan in saldhiga milatari ee imaaraadku doonayo inuu ka furto Berbera ay tahay aqoonsi dadban oo uu Somaliland siiyay.

Mucaaridku Maxay ku diidan yihiin Saldhigan:

Siyaasiyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa labadii toddobaad ee u dambeeyay waxay siyaasadeynayeen oo ay ka soo horjeedeen in dawladda Imaaraadku ka furato saldhig milatari magaalada Berbera. Naqdigoodu wuxuu u muuqday  mid aan ku dhisnayn dal jacayl iyo aragti fog. Siyaasiyiinta WADDANI oo ay ka mid ahaayeen Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxamed Cismaan Fadal, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xoghayaha guud ee WADDANI  Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde,  waxa hadalkoodu  ku soo ururayay inay xisbi ahaan  xasaasiyad ka qaban wixii horumar ah ee u soo kordha Somaliland inta ay iyagu dibada ka joogaan, waxase la gudboon inay xisbiga mucaaridka ah ee UCID ka bartaan kaalinta laga doonayo axsaabta mucaaridka ah. Xisbiga UCID iyo Hoggaankiisu waxay taageeraan wixii horumar ah ee xukuumaddu soo kordhiso, iyagoo si nasteexo  ku jirtana   farta ugu fiiqa wixii ay u arkaan inaanay dan u ahayn dalka.

 Maalgelinta Marsadda Berbera:

Bishii May ee sannadkii 2016 waxa dawladaha Somaliland iyo shirkadaha dekadaha ee imaaraadka ee DP WORLD, kala saxeexdeen maalgashigii ugu ballaadhnaa ee shisheeye ee waligeed Somaliland hesho  oo ay ku maalgelinayaan marsadda Berbera. Waxaanna ku baxaya adduun lagu qadaray $442 Milyan oo doolar oo lagu casriyaynayo dekadda Berbera. Heshiiskaas oo noqday mid Somaliland u fura in sharaa’iga waaweyn ee caalamiga ahi ku aaminaan inay maalgashan karaan.

Heshiiskan waxa ku jira in la dhiso jidka isku xidhaya magaalo xeebeeda Berbera iyo Itoobiya, kaasi oo isna ah faa’iido kale oo sahlaya inay marsadda Berbera adeegsato Itoobiya iyo dalalka kale ee mandaqada ee aan lahayn badduhu. Madaxweynaha Somaliland awoodihiisa dastuuriga ah ayay ka mid tahay inuu heshiis caalami ah galo, sida ku cad qoddobka  90-aad fiqradiisa 6-aad.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here