Trump Oo Maanta Loo Dhaariyey Madaxweynaha 45-aad Ee Dalka Maraykanka + SAWIRRO

0
1232
President Barack Obama, first lady Michelle Obama, President-elect Donald Trump and Melania Trump stand at the White House in Washington, Friday, Jan. 20, 2017. (AP Photo/Evan Vucci)

WASHINGTON ,(HargeisaPress) — Donald John Trump ayaa maanta noqday madaxweynaha 45-aad ee dalka Mareykanka, wuxuuna dalka hoggaamin doonaa afarta sano ee soo socota.

Trump oo la doortay sideeddii November ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyey munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.

Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC ee si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.

Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Mareykanka ay xukunkii dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.

Abdirashid  Hassan Zam

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here