Dawladda Soomaaliya oo Joojisay Qaadashada iyo Qorista Shaqaale Cusub

0
729

Muqdisho (Hargeisa Press)- Qoraalka ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu wargeliyey Hay’adaha kala duwan ee Dowladda in ayna qori karin Shaqaalaha ka yimaada wasaaradaha ee leh qoondo miisaaniyadeed iyo kuwo aanan laheyn intaba.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in lagu soo war-galin doono dhamaan hay’addaha kala duwan ee dowladda xilliga ay munaasibka noqoto, balse inta ka horeysa la  joojiyay qorista shaqaale cusub.

Go’aankan ayaa imanaya xilli dhawaan Golaha Wasiiradda Soomaaliya ay ansixiyeen  miisaaniyadda sanadka 2020 oo  gaadheysa $459.5 Milyan.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Guddiga Shaqaalaha Rayidka :-

Hargeisa Press Desk/ Muqdisho Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here