Dawladda Somaliland iyo Qarammada Midoobay oo ka Wadahadlay Abaaraha ka soo Cusboonaaday Gobollada Dalka

0
864

Hargeysa , (HargeisaPress) —Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qarammada Midoobay, ayaa ka wadahadlay arrimo khuseeya abaaraha ka soo cusboonaaday degaanno badan oo dalka ah, halka sidoo kale laga wada xaajooday sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada UN-ku u fidiyaan Somaliland.

Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, kulan dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  iyo wefti ka socda Qarammada Midoobay shalay, ayaa lagu lafa-guray iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo UN-ka, iyadoo si gaar ah looga wadahadlay gurmad abaaraha ka taagan degaannada dalka.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna Isu-duwaha arrimaha Gargaarka Bani’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta (shalay), ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Horumarinta Caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka Raashinka Qaranka Md. Faysal Cali Sheekh, waxaana ay labada dhinac kulankooda kaga wadahadleen xaaladda guud ee dalka Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee ka soo cusboonaatay meelo badan oo dalka ah, waxaana  la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay Qarammada Midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed ee soo cusboonaatay.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wadahadlay, ayaa waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay Qarammada Midoobay ku taageerto Somaliland, mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyaanna la gaadhsiiyo gobollada Bariga dalka, isla markaana laga haqab-tiro adeegyada aasaasiga u ah nolosha bulshada, shaqo-abuurka dhallinyaradana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen.

Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Qarammada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna Isu-duwaha Arrimaha Gargaarka Bani’aadam-nimada Mr. Peter De Clercq, ayaa isaguna soo dhaweeyey dhammaanba qodobbada uu madaxweynuhu kala hadlay, diyaarna u yihiin fulintooda, qiimaynna ku samayn doonaan xaaladda abaareed ee jirta, isagoo la kaashanaya hay’adaha u xilsaaran, sidoo kalena qayb ka noqon doonaan hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII). Waxaannu Madaxweynaha Somaliland si gaara ugu hambalyeeyey doorka muuqda ee dhallinyaradu kaga jirto siyaasadda Somaliland iyo fursadaha uu siiyey madaxweynuhu da’yarta dalka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday warbixin kooban ka bixiyey kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda Qarammada Midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi; “Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka  Ergayga gaarka ah ee Jimciyadda Quruumaha  ka dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka wadahadleen xaaladda imminka taagan ee abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in  la iska kaashado sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa waqtigan iyo mustaqbalka dambeba.”

Dhinaca Weftiga waxa ku wehelinayey Ku-xigeenka Ergayga.

  1. La-taliyaha Isku-duwaha ee degaanka, Govin Roy,
  2. Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG / HC / RR, James Eberlein,
  3. Madaxa xafiiska Somaliland, UNSOM, Jeff Sims
  4. Madaxa Isuduwidda OCHA, Edmore Tondhlana, iyo
  5. Ilias Dirie, oo ka socday ILO

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here