Dawladda Giriiga Oo Diiday In Qoxoonti Cusub Ay Dalkiisa Soo Galaan

0
606

Turkey (HP): Kumanaan qoxoonti wadamo kala duwan ka soo jeedda ayaa u amba-baxay xuduudka dalalka Turkiga iyo Giriiga.

Kadib markii dawladda Turkigu ay ku dhawaaqday in ay furtay xadka ay la wadaagto Giriiga. Qoxoontigaasi oo u badan Suuriyaan iyo kuwo wadamo kale u dhashay.

Hase yeeshee dawladda Giriiga ayaa sheegtay in aanay aqbalaynin qoxoonti cusub oo qoxoonti cusub oo magan geliyo ku soo galla.

Tallaabadani ayaa timid kadib markii dawladda Turkey sheegtay in dawladaha midawga Yurub ay ka baxeen heshiisyo ay hore u wada galeen.

Halkan Ka Daawo Wararkii U Danbeeyay:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here