Dan-yarta Ku Dhaqan Xaafada Sheekh Nuur Ee Magaalada Hargeysa Oo Ay Xaaladooda Nololeed Adag Tahay Xukumadda-na Baaq Dheer U Direy

0
1186
Dan-yarta Ku Dhaqan Xaafada Sheekh Nuur Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dadka dan yarta ah ee ku nool xaafada sheikh Nuur ee magaalada hargeysa oo ah xaafad ay dagan yihiin dad badiba ah dad dan yar ah oo aan haysan wax ku filan oo ay noloshooda ku dabaraan, mar aan booqanay xaafadaasi si aan usoo ogaano xaaladooda nololeed ayaa waxay dadka ku nool xaafadaasi noo sheegeen inay xaaladooda nololeed adag tahay una baahan yihiin gar gaar deg deg ah.

Sidoo kalena dadwaynahani waxay noo sheegeen inay xukumaddu iska ilawday isla markaana aanay jriin wax alle waxay u qabatay intii ay xaafadan daganaaayeen,waxaana ay dadwaynahani xukumadda iyo wasaarada dib u dajintaba ugu  baaqeen inay hoos u eegaan oo ay kaalmo iyo gurmad soo gaadhsiiyaan.

Hooyo Caasha Ciise Faarax waa hooyo kamida dadka dan yarta ah ee ku nool xaafadan waxay nooga war bixisay xaaladeeda nololeed iyada oo dhanka kalena baaq u dirtay xukumada Somaliland waxaana ay hadalkeeda ku bilowday sida tan.

“Hooyo waad na aragtaan xaaladayada, wax aanu cuno iyo wax aanu cabno iyo meel hoy ka dhigano midna ma haysano, gurigayga saddexda wakhti hal wakhti baa wax laga cunaa, waxaan hayaa wiil aan dhalay oo xanuunsanaya wax an ku daweeyo ma hayo xukumadduna dawooyin iyo cunto ay nasiiso daaye namay so eegin oo nagamay soo war doonin,shacabka Somaliland,xukumadda iyo ganacsatada waxaanu leenahay dad jilicsan oo aan meel idinka jirin ayaanu nahaye noo gurmada oo kaalmo nasoo gaadhsiiya xukumadduna hoos hanoo eegto”Sidaas ayay tidhi hooyo Caasha Ciise Faarax.

Dhanka kalena  Canab Axmed oo iyadu kamid ah dadwaynaha xaafadani degan ayaa xustay inay jiraan xaafado ay ku nool yihiin qoys wada jilicsan oo aan haysan wax ay cunaan iyo meel ay u hoydaan toona,xukumaddana waxay ugu baaqday inay dadkan hoos u eegaan oo ay gurmad iyo kaalmo soo gaadhsiiyaan waxaanay tidhi.

“Anigu xaafada waan deganay waxaan ku nool xaafada qoysas wada waalan oo aan maskaxdoodii qabin oo ay u dheer tahay inaanay haysan wax ay cunaan iyo meel ay dhabanka dhulka dhigaan toona, way iswada dhinac fadhiyaan waa dad jilicsan waxan jira oo kale guryo aan dabkaba cunto la saran oo ay caruuri ku nooshay,anaga ayaa cuntada u gayna xukumadda waxaan leeyahay waa dadkiinii waa laydin kula xisaabtamayaa maalintaaakhiro usoo gurmada oo kaalmo soo gaadhsiiya si ay uga baxaan marxaladan ay ku jiraan”sidaas ayay tidhi Canab Axmed.

Cismaan Cali Yusuf oo kamida odayaasha xaafadan degan ayaa dhankiisa mar aan wax ka waydiinay xaalada guud ee xaafadan iyo dadka ku nool ayaa waxa uu carabka ku dhuftay in xaafadan ay dagan yihiin dad dan yar ah oo aan haysan wax ay cunaan meel ay u hoydaan iyo wax ay cabaan toona,sidoo kalena waxa uu xusay in xaafadani aanay lahayn waddo ay gadiidku usoo maraan si ay gurmad usoo gaadhsiiyaan.

Waxaana uu xukuumadda Somaliland,shacabka Somaliland iyo ganacsatadaba ugu baaqay inay dadkan usoo gargaaraan isla markaana ay so gaadhsiiyaan caawimo deg deg ah.

Gabagabadiina xaafadan ayaa ah xaafad ay dagan yihiin dad jilicsan iyada oo intii aanu ku sugnayna ay indhahayagu qabanayeen marxalado adag oo ay ku sugan yihiin dadkani,kuwaasi oo ay kamid tahay Cunno la’aan biyo la’aan iyo waliba hoy la’aan iyada oo aynu ku jirno wakhti dhaxamo ah.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here