Dalladda SONYO Oo Ku Baaqday Shir-Weyne Qaran Oo Laga Yeesho Aafada Qaran Ee Tahriibta

0
985

Hargeysa, (HargeisaPress) —Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa ku baaqday shirweyne qaran oo ay isugu yimaaddaan xukuumadda, golayaasha qaranka iyo xisbiyada dalku si looga arrinsado aafada tahriibta iyo dhimashada dhallinyaradii dalkan mustaqbalka u ahayd. Dalladda SONYO ayaa mar kale umadda reer Somaliland ka tacsiyeysay geerida naxdinta leh eek u timid dhallinyaradii dhawaan innaga geeriyooday biyaha Midetarian War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku xigeenka Dalladda SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa u dhignaa sidan: “Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo mafr walba u taagan ka hadalka iyo u doodidda xaaladda dhallinyaradu waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah la isagaga yimaad Shirweyne ballaadhan oo wax lagaga qabanayo xaaladda faraha ka sii baxaysa ee Tahriibta iyo guud ahaan duruufaha dhallinyarada ku khasbaya in ay naftooda ku biimeeyaan badaha. SONYO oo mar walba si joogto ah uga hadasha duruufaha dhallinyarada gaar ahaan Tahriibtu waxa ay xosbiyada qaranka, Xukuumadda iyo golayaasha qaranka ugu baaqaysaa in la isaga yimaad oo talo qaran oo midaysan laga yeesho aafada tahriibta ee keentay geeridii ugu dambaysay ee ay innaga baxeen dhallinyarada badani taasoo ah masiibo qaran oo u baahan in ayni dhammaanteen u guntanno sidii wax looga qaban lahaa.

 

Dalladda SONYO oo mar walba u taagan ka hadalka dhibaatooyinka dhallinyarada haystaa waxa ay ballan qaadaysaa in ay qaranka kala shaqayn doonto shir-weynahaasi qaran iyada oo doorkeeda ka ciyaari doonta kuna dadaalaysa sidii arrinkaasi talo qaran oo midaysan looga yeelan lahaa. Waxa aanu ku baaqaynaa in arrinkaasi yahay arrin dhammaanteen shacab, xukuumad iyo golayaalba u yaalla loona baahan yahay in aan gacan mid ah ku waajahno.

 

Dalladda Ururrada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO oo sannadihii ugu dambeeyey cilmi-baadhisyo iyo wacyi-gelino badan ka samaysay dhibaatada Tahriibtu waxa ay qaranka la wadaagi doontaa dhammaan xogta, talooyinka iyo khibradda ay u leedahay sidii qaddiyaddan looga gaashaaman lahaa ee natiijo midaysan looga soo saari lahaa iyada oo mar walba aqoonyahanka, culimada iyo waxgaradka Somaliland kala shaqayn doonta midaynta iyo isu keenidda cudud lagu waajaho dhibaatada Tahriibta.

 

Ugu dambayn, SONYO waxa ay qaranka la wadaagaysaa tiiraanyada iyo xanuunka ay leedahay geerida hald-doorkii dhallinyarada ee innagaga baxanaya bad-weynta Mediterranean sea. Annaga oo intii ay si gaar ah uga baxeen dhallinyaraasi Tacsi gaadhsiinayna, guud ahaan qaranka ay ka baxeenna ilaahay uga baryeyna in uu baddalkooda inna siiyo iyagana jannooyinkiisa ku maamuuso”. Ayuu war-saxaafadeedkiisa ku yidhi Guddoomiye ku xigeenka SONYO Md. Cabdiqani Maxamuud Jiidhe

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here