Xisbiga WADANI Oo Maanta Salaatu Jinaasa U Tukaday Dhalinyaradii Dhawaan Ku Dhimatay Badda Dalka Masar + SAWIRRO

0
1098

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xisbiga mucaaridka ah ee waddani ayaa maanta salaatul-Jinaasa u  tukadey dhalinyaradii dhawaan ku geerootey badda u dhaxeysa Masar iyo Italy ee doonidu la qorqoontay .

 

Tukashada salaadan maanta ay xisbiga WADANI u takudeen dhalinyarada oo ka  qabsoontey barxada way nee  Hotelka Maroodi-Jeex ee magaalada Hargeysa  ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudmiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro , sarakiil sar sare ee oo ka tirsan  xisbigaasi, xildhibaano Iyo Dhalinyaro.

1-133-740x493

Markii salada la tukadey waxaa ugu horeyn warbaahinta la hadley afhayenka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme waxaana uu sheegay in uu tacsi u dirayaan eheladii qarabaadi iyo asxaabtii iyo qaranka Somaliland ee ay ka baxeen dhalinyaradaasi ku dhimadey badda, waxana u dhaliilo xoogan usoo jeediyay xukumadda Somaliland isaga oo ku eedeeyey inay ka gaabiyeen kaalintii ay dhalinyaradu ku lahayd qaranka.

6-32-740x493

Sidoo kale waxaa isna dhinciisa ka hadley isla markaana u duceeyey dhalinyaradii ku haligantey badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waxaana uu sheegay in uu muragada la qabo lana dareemayo waalidkii ay caruurtaasi ka baxeen isla markaana uu ilahay ugu baryayo in uu samir iyo iimaan ka siiyo

5-33-740x493

Dhinca kale gudoomiye Ciro waxaa uu xukuumada Somaliland ku eedeyey mid ku fashilantey in ay qorshe   u sameyso dhalinyarada isla markaana waxaa uu dhalinyarada ku booriyey in aanay dalka ka tahriibin inta ay xukuumadan kulmiye wakhigeedu dhamanaayo isagoona xusay in xisbiga uu gudoomiyaha ka yahay uu qorshe iyo siyaasad cad oo qaran uu dhalinyarada  ka leeyahay.

12-6-740x493

Ugu danbayntii xisbiga mucaaradka ah ee WADANi ayaa ah xisbiga kaliya ee ilaa hada baroordiiq u sameeeyey dhalinyaradii reer Somaliland oo ku madhatay badda u dhaxaysa dalalka masar iyo talyaaniga.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here