Daawo Muuqaal: Dalladda SONSAF oo Daahfurtay Wajiga 2-aad ee Guddiga Kormeerka Doorashooyin-ka ee Bulshada Rayidka ah + SAWIRRO

0
859

Hargeysa, (HargeisaPress) — Dalladda bulshada rayidka ah ee SONSAF ayaa daahfurtay wajiga 2-aad guddiga gaarka ah ee kormeerka doorashooyinka soo socda,munaasibadd balaadhan oo lagu daah-furayey arrimahaasi ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee Hargeysa waxaana ka soo qaybgalay Xisbiyada Siyaasadda,hogaanka Dalladda SONSAF iyo Academiyadda nabadda iyo hormarka,qaybaha kale ee hoosyimaadda dalladda SONSAF iyo hay’adaha SAFE-WORLD iyo EU saraakiil ka socotay.

sonsaf 12

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dadkii halkaa ka hadlay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha SONSAF Mustafe Sacad Dhimbiil waxaanu ka wararamay ujeedada mashruucan ay daah-furayaan waxaanu ku sheegay inuu yahay sidii loo abuuri lahaa guddigan oo ay howshoodu noqonayso inay qiimeeyaan isla markaana kormeer ku sameeyaan  habsami u socodka doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan 2017-ka “wajigii hore ee mashruucan waxaannu ku daah-furray Nairobi halkan Hargeysa-na waanu ku daah-furray in ka badan 2000 oo Buugg-na waa laga qoray” ayuu yidhi Mr Dhimbiil.

 

sonsaf 23

 

 

 

 

 

Dhanka kalana waxa uu sheegay qoraalladii lagu baahiyey Buugaagtaasi inay noqdeen kuwo dhexdhexaad ah oo si madaxbanaann loo qoray qiimo laga tixraaci-kalana leh “Buugaagtaasi waxay noqdeen kuwo madaxbanaan oo runtii dhexdhexaad ah haddana waxaannu guddigan ka rajaynaynaa inay noqondoonaan guddi dhexdhexaad ah arrimaha doorashadana kaalin fiicanna ka qaadan doona arrimaha loo xillsaarayo” ayuu yidhi Mr Dhimbiil.

 

NEC-Chairman-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cabdul-jaliil Daahir Afqarshe oo ah madaxa xafiiska hay’adda SAFER-WORLD oo iyadu dabada ka riixaysay barnaamijkan taageerada doorashooyinka Somaliland oo hadda si rasmiya xafiiskeedii Nairobi ugu soo rartay Hargeysa waxa uu sheegay inay taageerayaan ururrada bulshada rayidka ah iyo xisbiyada siyaasadda “annagu horeyna waannu u taageerjirirray ururrada bulshada rayidka ah gaar ahaan SONSAF haddana waannu sii wadaynaa taageeradii aannu siinjirray ” ayuu yidhi Mr Afqrshe waxaanu intaa ku sii daray “Xisbiyada iyo Baarlamaanka iyagana waannu la shaqayn doonnaa”

Maxamed Maxamuud Barawaani oo ah agasimaha dalladda SONSAF oo isaguna halkaa ku soo bandhigay warbixin qiimo badan oo la xidhiidhay arriaha doorashooyinka soo soda ee guddigan loo samaynayo iyo kuwii horey oo soo maray khaladaadkii laga bartay iyada oo ay ka soo qaybalaashii shirkaasi suu’aalo kaladuwan ka soo jeediyeen madashaasi.

sonsaf 344

 

 

 

Mudanayaal ka socday Guurtida iyo Wakiillada oo halkaa ka hadlay waxay soo dhaweeyeen guddigan la samaynayo si ay doorashadu u noqoto mid xor iyo xalaal ah “Guddigan waanu soo dhaweynanaa balse aniga oo aan xisbiyada iyo xukuumadda toona midna dhaliilaynin waxaan leeyahay xisbiyadu waa inay isbahaysi samaystaan oo ay iyaga dhexdoodu isu-tudhaan” sidaa waxaa yidhi Mudane Cabdulqaadir Jirde.

Abdikadir-jirde-1

 

Masuuliyiinta Xisbiyada siyaasadda oo halkaa ka hadlay waxay sheegeen inay soo dhaweyayaan Guddigan ay SONSAF samaynayso isla markaana ay la shaqan doonaan “Guddigan waannu soo dhaweynaynaa waanan la shaqayndoonaa” sidaa waxaa tidhi Marwo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha Gudoomiyaha Waddani ee arrimaha dibadda.

Daawo Muuqaal

 

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in Baarlamaanka looga haahan yahay inay sameeyaan xeerkii Baarlamaanka lagu dooran lahaa maadaama aanu samaysnayn cidda uu –u xannibanyahayna uu Baarlamaanka yahay “Baarlamaanka waxaan u soo jeedinayaa inay dhameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa “Baarlamaanka waxaan u soo jeedinayaa inay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa maadaama ay doorashadii iyaga lagu soo dooranayey iyo tii Madaxweynaha lagu soo dooranayey isa saaranyihiin cidda uu xeerkaasi u xannibanyahayna uu iyaga yahay” ayuu yidhi Mr Kaahin.

sonsaf 45

 

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay inay doorashooyinkii ay Somaliland soo martay midba middii ay ka horeysay ka tayo fiicnayd taa sababteedana ay leedaha dhibaatada qabiilka oo lagu tartamayo sidii ay beeluhu u kala sad-bursan lahaayeen “doorashooyinkii inoo soo qabsoomay midba waxay ka fiicnayd middii ay ka horeysay” ayuu yidhi Mr Waraabe.

 

“Awdal baan tagay markaa waxaan ku arkay Caaqil ku Bastoolad dhinaca ku sita oo meelihii laga codaynayey ku wareegaya oo leh dhalinyarada soo koraysa dad’ooda lama waydiin karo” ayuu yidhi Mr Waraabe oo toosh ku shidayey mushkiladda qabyaaladdu leedahay.

Ahmed-Dahir-Guurti-1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ugu dambeyntii waxaa shirkaasi ka hadlay Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan Warsame waxaanu ka hadlay arrimaha guddigan bulshada rayidka ah ee doorahada loo samaynayo waxaanu sheegay inay sameeyeen xeer-nidaamiya-yaashii ay ku wada shaqayn lahaayeen iyaga iyo cidkasta oo ay wada shaqayni ka dhaxayso sida xisbiyada,Bulshada rayidka ah iyo daneeya yaasha doorashooyinka Somaliland intaba.

sonsaf 33

 

“waxaan soo jeedin lahaa inaad dib u eegtaan dhamaan xeer-nidaamiya-yaashii aannu samaynay ee aynnu ku wada shaqayn lahayn” ayuu yidhi Mr Iimaan “annagu waxaanu nahay mishiinkaa shaqaynaya balse maaha inaad annaga uun faraha nagu soo fiiqdaan oo aad na tidhaadaan iyagaa wax xumaynaya ee waxaad ogaataan haddii ay wax xumaadaandadka ay wax ka xumaanayaan  inay idinka iyo annagaba yihiin” ayuu yidhi Mr Iimaan.

 

“hadda qalabkii diiwaangalintu wuu innoo wadayimid goballadana wuu ka socdaa waana diiwaangelin casriya oo aan sida tii hore oo kale lagu noqnoqonkarin idinkaana nooga wakiil ah “SONSAF” inaad guriwalba gashaan oo hadduu qofku isyidhaado ku noqo waxaa la ganaaxayaa 3000 000 Milyan  Somaliland ah iyo xadhigg loogu daro” ayuu yidhi Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdulqaadir Iimaan Warsame.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here