“Xaglatoosiye Malaha Imika Madaxweyne Kuxigeenka-ba Wuu Ka Dalacayoo Madaxweyne Ayuu I-Su Soo Sharixi Doonaa” Wasiirka Warfaafinta Somaliland

0
971

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ku tilmaamay Dr.Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) inuu ka dalacay inuu u tartamo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland, balse uu imika isu soo sharxi karo Madaxweynaha Somaliland.

 

Sidaa waxa uu Cukuse ku sheegay mar uu maanta ka hadlayay Xaflad qado sharafa oo lagu maamusayay 114-kii qof ee codka siiyay Dar. Xaglotoosiye.

 

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)  oo halkaasi hadlay ayaa waxa uu yidhi “114-ka qof ee Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ee u codeeyey murrashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga KULMIYE Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye). Waxa hubaala oo maanta aan shaki ku jirin in Xisbiga KULMIYE shirkiisi uu galay, la filayay inay tartamayaasha qaarkood soo baxaan, qaarkoodna ay soo bixi-waayaan, laakin waxaan ku kalsoonahay 114-ka halkaas fadhiya ee Xaglotoosiye u codeeyey ay yihiin Kooxo cusub oo ay fikir iyo mabda’ ay mideeyaan, waxa mideeya rayi iyo mabda’a, dhismaha KULMIYE ayaa mideeyaa, dhismaha Somaliland ayaa mideeyaa. Waayo dadka halkaan fadhiya waxa ugu yar Xaglotoosiye reerkooda”.

 

“Waxa imika inoo taala inaynu KULMIYE dhisno, oo KULMIYE ayaynu ki mideysanahay, Xaglotoosiye-na wuu inoo da’ayar yahay, oo maaha qof aynu maanta u werwereyno, sanado baddan oo kale ayaynu soo sharixi karnaa, , malaha Imika Madaxweyne Kuxigeenka-ba wuu ka dalacayoo Madaxweyne ayuu I su soo sharixi doonaa”.Ayuu yidhi Cukuse.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here