Dahabshiil Oo Si Ballaadhan Uga Qayb-qaadatay Olollihii Nadaafadda Caasimadda Hargeysa Iyo Maayarka Caasimadda oo uga mahadnaqay doorkii weynaa ee ay ku lahaayeen+ SAWIRRO

0
1422

Hargeisa (Hargeisa Press) โ€“ Shirkadda Caalamiga ah ee Dahabshiil Group,ayaa si weyn uga qayb-qaadatay olollihii Nadaafadda dooxa weyn ee Magaalada Hargeysa,iyadooย  ay shaqaallaha shirkadda iyo gaadiidka Cagaf-cagaf-yadda iyo iska Roggooyinka Dahabshiil ay door weyn ka qateen olollihii lagu nadiifinayey togga weyn ee Caasimadda dalka.

Sacad Muuse Cabdi Madaxa Suuq-geynta Dahabshiil oo isagu ugu horrayn halkaas ka hadlay,ayaa sheegay inay sharraf u tahay shirkadda Dahabshiill inay ka qayb-qaadato olollaha nadiifinta dooxa weyn ee Hargeysa,waxaanu yidh โ€œShirkad ahaan sharraf weyn ayey noo tahay in aanu ajiib-no baaqii Maayar Cabdikariin iyo ku-xigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Degaanka cusub ee caasimadda Hargeysa, waad ogtihiin shirkadda Dahabshiil mar walba kaalinta koobaad in ay ka qaadato arrimaha Bulshadda, maanta waxaynu iskugu soo bax-nay in aynu ka qayb-qaadano olollaha nadaafadda caasimadda gaar ahaan dooxa weyn ee Hargeysa,maanta sida aad arkaysaan dhammaan qalabkii shirkadda haddii ay tahay Cagaf-yo,haddii ay tahay Iska Roggooyin,haddii ay tahay xoogii shaqaalaha,saaka waa laga faaโ€™iidaystay ujeeddaduna waxa weeye danta guud ee aynu wadda leenahay in aynu hagaajisano.โ€ayuu yidhi Sacad Muuse Cabdi.

Geesta Kale Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fuโ€™aad Axmed Nuux oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay iyadoo gaadiidkeedii iyo agabkeedii iyo shaqallaheedii ay ka qayb-qaadanayso olollaha nadiifinta dooxa weyn ee Hargeysa,waxaanu yidhi โ€œ Sida aad la socotaan Maayarka caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu ku baaqay in laga qayb-qaato olollaha nadaafadda caasimadda ,iyadoo si gaar ah loo nadiifinayo dooxa Hargeysa.โ€.

Isagoo intaas ku sii darray โ€œHaddii aanu nahay shirkadda Dahabshiil sidii horreba aanu caanka ugu ahayn waxa aanu mar walba diyaar u nahay in aanu ka qayb-qaadano arrimaha Bulshada iyo wixii ummadda caafimaadkeeda iyo bilicdeeda iyo horumarkeeda wax ku soo kordhinaya,waxa maanta halkan diyaar ku ah shaqaallihii shirkadda Dahabshiil oo ka qayb-qaadanaya olollaha Maayarka Hargeysa uu ku baaqay ,sida oo kale waxa halkan diyaar ku ah Cagaf-yaddiiย  iyo gaadiidkii shirkaddu ay ugu tallo gashay inay kaga qayb-qaadato hawshaasi ,waxaanu marwalba ballan-qaadaynaa in aanu ka qayb-qaadan doonnoย  wax kasta oo horrumar u ah Bulshadda iyo degaanadda aanu ka hawl-galno.โ€.

Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fuโ€™aad Axmed Nuux ayaa sheegay in shirkadda Dahabshiil ay diraa u tahay mar walba inay ka qayb-qaadato wixii wax tar u ah Bulshadda sidii awalba looga bartay โ€œRuntii iyada oo ay maalin shaqo tahay maanta oo xafiisyaddii furran yihiin oo shaqaallahani shaqo ay ku jiraa,haddana waxa aanu u arragnay mihiim in aanu ka qayb-qaadano arrintan olollaha nadaafadda ee Maayarka cusub uu ku baaqay,taas oo aanu u arragno inay mihiim u tahay Bulshadda,haddii ay tahay bilicda Magaaladda iyo caafimaadkeedaba ,annaguna maddaama ay bulshadu tahay bulshaddayadii waxa lagama maar-maan ah in aanu mar walba ka qayb-galno wixii wax u taraya nolashoodda iyo horumarkoodda.โ€

Sidoo kalena Mareeye ku-xigeenka ahna Madaxa hawl-gelinta shirkadda Dahabshiil Fuโ€™aad Axmed Nuux ayaa ballan-qaaday inay shirkadda Dahabshiil ay diyaar u tahay inay mar walba sidan oo kale uga qayb-qaadato hawlaha nadiifinta caasimadda Hargeysa โ€œShirkadda Dahabshiil iyada oo ka jawaabaysa baaqa Maayarka ,waxa halkan diyaar ku ah shaqaallihii shirkadda Cagaf-yo iyo iska Roggooyin iyo agab kale oo loogu tallogalay in aanu kaga qayb-qaadano olollahaasi,waxa aanu diyaar u nahay oo Maayarkana u ballan-qaadaynaa mar kasta oo la qabanayoย  arrimo bulshadda u dan ah sida tan maanta oo kaleย  in aanu ka shirkad ahaan gacan ka geysan doonno kana qayb-qaadan doonno .โ€Mareeye ku-xigeenka shirkadda Dahabshiil Fuโ€™aad Axmed Nuux.

Dhanka kalene Xildhibaan Cabdikariin Garas oo kamid ah Xildhibaanadda Golaha Degaanka Hargeysa ,ayaa shirkadda Dahabshiil ku amaanay sida ay uga qayb-qaadatay olollahaย  nadiifinta dooxa Hargeysa โ€œHalkan waxa aan ka arkayaa tiimkii shirkadda Dahabshiil oo runtii si qiimo leh oo huffan oo daah furran u soo galay,iyagoo qalabkoodii gaadiidkoodii iyo shaqaallahoodiiba wata,runtii sharraf weyn iyo maamuus ayaanu u haynaa shirkadda Dahabshiil iyo shaqaallaheedda sida ay uga qayb-qateen olollaha nadaafadda caasimadda Hargeysa.โ€ayuu yidhi Xildhibaan Cabdikariin Garas.ย 

Gunaanadkii Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axme Mooge oo isna halkaas ka haddlay ayaa boggaadiyey shirkadda Dahabshiil sida ay uga qayb-qaadatay hawlihii nadiifinta Magaalada Hargeysa.

โ€œ Anniga oo ku hadlaya magaca Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa iyo magaca shaqaalle weynaha Dawladda hoose ee Hargeysa,waxa aan halkan ugu Mahad-naqayaa shirkadda Dahabshiil sida wanaagsan ee waddaniyadda leh ee ay uga soo qayb-qaadatay olollahan ee waliba ay agabkeedii,Cagaf-cagaf-yaddeedii iyo iska Roggooyinkeedii ay keen satay aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa,hawshani waxay ahayd hawl la wadda qabanayey shirkaddaha nagala soo qayb-galay waan u mahad-naqaynaa ,Dawladda hoosena wey u soo mahad-niqi doontaa,waayo dad baddan ayaanu u baaqnay,markaa shirakaddii na ajiibtay ee dadka reer Hargeysa dooxa in loo nadiifiyo ka qayb-qaadatay aad iyo aad ayaanu ugu mahad-naqaynaaย  shirkaddana alle ha barakeeyo shaqadeeda iyo Ganacsigeeda alle ha u sii wanaajiyo ,waxa aanu ka rejaynaynaa insha allaah maal-maha xiga ee olollayaasha dambe ee la sunti doonno maalin bisha kamid ah inay maalin walba ay sidaa doorkooda u qataan ,shaqaalluhu waa mahadsan-yihiin.,waxa aan shaqaallaha shirkadda Dahabshiil aan ka codsanayaaย  marka shacabku inaga daalo ee ay inaga kale tagaan ha daallina, maanta nala bilaaba oo nala dhammaysta.โ€ayuu yidhi Maayar Cabdikariin Axmed Mooge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here