Hargeisa (Hargeisa Press) – Dugsiga Taaj Schools oo ka mid ah Dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla Somaliland, ayaa saaka si weyn uga qayb qaatay Ollole lagu nadiifinayay Dooxa weyn magaaladda Hargeysa.
Waxaa ollolahan si hagar la’aan ah uga qayb qaatay Ardayda waxkabarata Dugsiga Taaj Schools oo ay hoggaaminayaan maamulka iyo masuuliyiinta Dugsigaasi.
Ardayda Dugsiga Taaj Schools, ayaa ku lebisanaa dhar ay ku xardhan yihiin halku dhigyo u gaar ah dugsigaasi oo ka turjumayay dedaalkooda muwaadinimo oo ay halkudhig uga dhigeen “Qashinku maaha kaygii, lkiinse waa dalkaygii”.
Maamulka kala duwan ee Dugsiga Taaj Schools oo warbaahinta la hadlay, ayaa Dugsiyada dhigooda ah ugu baaqay in arrimahan lagu qashinka lagaga nadiifinayo magaaladda ay kala qayb qaataan.
Hoos ka daawo muuqaalka