Somaliland oo Ka Hadashay Dhallinyaro Ay Soomaaliya U Geysatay Tacadiyo

0
1553

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa ka hadlay shan muwaadin oo Soomaaliya ay Muqdisho ku xidhay isla markaana la sheegay in la jidh dilay.

Wasiir Ciise Keyd, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X.(Twitter) wuxuu ku caddeeyay in xukuumadda Somaliland ay si dhow ula socotay xadhig iyo tacadiyo muwaadiniinta Somaliland ee ku sugan Muqdisho ay ku samaynayeen hay’ado dawladeed.

Waxaanu iftiimiyay in xukuumadda Somaliland ay ugu baaqday Beesha Caalamka iyo Hay’addaha xuquuqul insaanku ay degdeg u farogeliyaan dhacdadan isla markaana xoriyadooda loo soo celiyo shantaas qof, oo uu tilmaamay in soo sheegay in la jidh dilay.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu wuxuu intaas ku daray in ay dhallinyaradani xidhnaayeen illaa 15kii Feberwari iyadoo aan loo haynin wax lagu xukumo.

Wasiir Ciise Keyd wuxuu soo bandhigay magacyada dhallinyaradan oo u shaqeeya Hay’addaha ICAO iyo WFP, kuwaasi oo magacyadoodu yihiin:-

1.Mubaarig Nuur Cali (ICAO).

2.Nuuradiin Ileeye (ICAO).

3.C/Raxmaan Cabdilaahi Khaliif (Salaf) (ICAO).

4.Maxamed Cabdiraxmaan (WFP).

5.Almis Saleebaan (WFP).

Soomaaliya, ayaa dhallinyaradan ku khasbaysa inay qirtaan dilkii Cabdinaasir Dahable oo ay Muqdisho si arxan darro ah ugu dishay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here