Dagaal Degmada Widh-Widh Ee Gobolka Sool Ku Dhex Maray Ciidamada Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyada Cali Khaliif Galaydh Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
907
News

Widh-widh, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya  gobolka sool aya sheegaya in maanta Saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen iska hor imaad  degmadda Widh-widh ee gobolka Sool ku dhex maray cutubyo ka tirsan ciidamadda qaranka Somaliland ee halkaa degan iyo koox ka tirsan maleeshiyadda nabad diidka ah   ee Khaatumo.

 

Dagaalkaasi  ayaa  dhacay ka dib markii ay koox ka tirsan Khaatumo weerar ku soo qaadeen magaaladda widh-widh, wakhti ay dadku u diyaar garoobayeen xiliga Afurka.  Iyadoo  halkaasina uu dagaal ku dhax maray ciidamadda qaranka Somaliland.

 

Sidaasina waxaa     xaqiijiyay  guddoomiyaha degmadda Widh-widh Axmed Mirre Yuusuf, oo la hadlay warbaahinta dawladda waxaanu yidhi     “Wuu jiraa dagaalku,  waxaanu  dhacay xilli la diyaarsanayay  Afurkii dadkuna ku sugnaa goobaha afurka ay ku lahaayeen.  Markaas  oo ay  ka bilaabantay rasaastu magaaladda dhexdeeda, iyadoo markii danbe ay ciidanka qarankuna ay si xoog leh u soo galeen magaaladda,  kuna guulaysteen inay ka saaraan.Waxaanay  socotay rasaastu  muddo saaacad ku dhow.   Waxaana  ku waxyeeloobay intaan ogahay saddex qof oo aan ugu tegay cusbitaalka  oo lagu daawaynayo.  Kuwaasoo  ahaa saddexdu-ba dad shacab ah oo aan aqoon u lahaa. Sidoo  kale waxay   waxyeello soo gaadhay guryo dhawr ah oo rasaastu waxyeelaysay sida  jiingadihii guryahaa saaraa” ayuu yidhi guddoomiyaha degmadda widh-widh.

 

Guddoomiyaha oo ka hadlayay sida  uu dagaalku ku bilaabmay  iyo waxa uu ka ogyahay khasaaraha gaadhay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamadda qaranka Somaliland-ba,  waxa uu yidhi  “Ciidanka bilaabay rasaastu waxay ahaayeen sidaanu cadayn ku helnay danbe ciidan ka amar qaata kooxda Cali   Khaliif hogaamiyo oo la soo abaabulay.  Sidoo  kale ma jirto cid sugtay tiradooda,  maadaama markiiba gabalku dhacay oo ay habeenimo noqotay, hase ahaatee ma jirin wax tikniko ah oo ay wateen, hadda oo aan kula hadlayana magaaladu way kala degan tahay,   wax xiisad ahina kama taagna,  mana jirto wax cadayn ah oo aanu ka hayno waxyeelada gaadhay run ahaantii labada dhinacba mid-naba”.

 

Weerarkan ay kooxda ka amar qaadata Cali Khaliif ku  soo qaadeen  ciidamada qaranka ee degmada Widh-widh ayaa ku soo beegmaya xilli uu maalin ka hor magaalada  Buuhoodle soo gaadhay ku xigeenka hogaamiya Cali  Khaliif, Cabdalle Caga-lule  oo muddo ku sugnaa magaalada  Boocame, isla markaana la sheegay in uu khilaaf ka dhexeeyo Cali Galaydh.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here