“Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen” Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

0
1137

“Dhugucdada xajiinta leh,

Waxa loo dhab-dhabayaa,

Toddobaatan iyo dhowr,

Ama boqol dharaarood,

Ama tiro wax sii dheer,

Nafta loogu dhibayaa,

Dadka loogu dhacayaa,

Dhaxan loogu joogaa,

Dhafar iyo hurdo-la’aan,

Dibad loogu dhaxayaa,

Dalka oo dhan nuurkiyo,

Dharka loogu xidhayaa,

Dhaanto loogu tumayaa,

Dhal-dhalaalka beenta ah,

Ayaan dhuux ka hooseyn,”

Maansada Jiitama ee Hadraawi, Jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa, 1984kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Halista ku-dul-caweynta Haamaha shidaalka

Hargeysa, 6/6/2015ka,

Taxanihii Bogagga Taariikhda dibso aan nidhaahno. Taxanaheennii kale ee aynu dagagarnay ee Dadkii sow tan haadkiyo, haanraawe boobeen aynu soo deyno. Maantana saarku waa Berbera iyo ballamahan xadhig-ka-jarka iyo dabbaasha ah ee Sooraanna ka yaabay ee aan dhammaanayn. Xataa xagaa la xaalaynayaa ma jirto. Alla xanuunka, xummadda iyo xiisaha isku xab-bururay badanaa. Tii ay keenaanba tii hore ka daran. La-ye Berbera oo iska xagaa ah ayaa maantana loo qamaamay. Cidiba ma hadhin. Dadka kama hadlayo ee waa tii dawlad ahayd oo beryahan dambe reer is-daba-yaac iska noqotay. Hadba waxaan sakaaro ka biirsan ayaa dhaqaalihii loo meel-deyi lahaa lagu khasaarinayaa.

Maantana waxa food-saaro laga dhigtay ‘Laabkii’ ama Shey-baadhkii shidaalka ayaa Berbera laga soo furayaa ama sida ay ku cel-celiyaanba xadhigga laga soo jarayaa. Waa maalmaha uu dariiqaasi ugu shilalka badan yahay. Dar madaxda ka mid ah ayaan dirawalba kaxaysan ee iyagu baabuurta wata, waxay qarsanayaan mooyaan e’. Madaxweyne Siilaanyo oo haatan da’ba iska jooga ayaa hadba safar dhuleed oo aanu u taag hayn lagu dudduucayaa oo baabuur la saarayaa.

boobe

Xawli aan maan-galba ahayn ayaa lagu dhaqaaqayaa. Madaxweynaha iyo ciidammadea ilaalinaya ayaa xagga hore gelaya oo iyagu sar-jaraya xawliga lagu soconayo. Baabuurta iyo dadka saaran ee yaacayaa wax qiyaasan oo ay cidi garanayso ma aha. Cidna uma tirsana, cidna uma diiwaan-gashana. Aabbahay goblan iyo si habaqle ah ayaad wefdiga uga mid noqonaysaa. Mid Berbera lafteeda ka soo socda ayaa ka daba laabaya oo wefdiga ka mid noqonayaa. Cid wax diidda iyo cid wax loo diido midna ma jiraan. Kolonyadan baabuurta ahi halis ayay ku sugan yihiin marka aad eegto xawliga ay ku socdaan iyo sida habqanka ah ee ay u ordayaan. Iyagu in ay is-duqeeyaan waa u halis, baabuurta ka hor imanaysana in ay duqeeyaan waa u halis. Waxaan is-leeyahay malahayga gaaban cidi ma dhaafi karto, wixii ka hor yimaaddaana waa in ay is-taagaan iyaga oo weliba waddada uga baxaya. Waxay u badan tahay xataa haddii ay sidaas yeelaan, in aanay ku badbaadeyn.

Sidii la isu daba yaacayay ee habaqlaha ahayd ayaa Berbera lagu galay. Ma hubo, waxaan se warbaahinta qaarkeed ka maqlayay Madaxweynihii oo Berbera tegay si uu mashaariic horumarineed oo halkaa laga hirgeliyay u soo furo ama xadhigga uga soo jaraba, sida ay jecel yihiin in loo yidhaahdo. Sidaas, haddii aynu odhan weyno, weynaan ku eed-baxayn. Kolley Madaxweynuhu haddii uu Berbera tago, waa in Dekedda iyo mashaariicda ka socota la soo mariyaa oo uu soo indho-indheeyaa ama xadhigga ka soo jaraaba. Xadhig-ka-jarkani dadka qaarkii xanuun ayaabu ku noqday oo sida bunka ama saarka ayuu u qabtaa. Hadalladooda ayaad ka garanaysaa, mararka ay leeyihiin: “Madaxweyne, bil ka hor waadigii na soo maray ee mashaariicda xadhigga ka jaray.” Hadda waa bil. Markaasaad ku dawakhyasaa waxay odeygan Madaxweynaha ah u xiijinayaan ee ay u adeegsan waayeen cid kale oo mashaariicda u furta ama sida ay jecel yihiinba xadhigga uga jarto. Hadda wuxu mashaariicba ma aha oo waa waxaa bisha ama labaatanka maalmood lagu dhammaynayo. Xaalku waa iska bun-tirsi. Berbera oo keliya ma aha ee waa meelo badan oo dalka ka mid ah. Weliba waxa sidaa loo yeelaa dad gaar ah iyo mashaariic gaar ah oo meelo gaar ah laga sameeyay. Tusaale waxa inagaga filan Shey-baadhkan Haamaha Shidaalka la leeyahay waa loo sameeyay.

Waa mararka aad ku jaho-wareerayso siyaabaha beylahda qaran mudnaanta ugu kala leedahay Xukuumaddeenna Isu-boga Isku-filan. Hadda dawooyinkii dadka iyo xooluhu ma laha Shey-baadho tayadooda lagu imtixaano. Cuntadan aadadmuhu quudanayo iyo dareerahan ay cabbayaan ma laha Shey-baadho lagu imtixaano tayadooda. Shidaalka se waa taas la leeyahay waa loo sameeyay. Goor ma ayay baabuurtu ka mudnaadeen dadkii iyo xoolihii dalkan lahaa? Waa su’aal da’ weyn oo idin daalinaysa.

Maalmahan koobnaa ee uu Berbera ku sugnaa, Madaxweynaha ma ay seegin in uu soo booqdo qaxootigii dalka Yaman ka yimid in kasta oo ay dal ahaan iyo dad ahaanba ceebi inaga raacday hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dadka Soomaaliyeed kaga mamnuucayay in ay geyiga Somaliland u soo qaxaan. Mid subxaanalle oo shacbigu ka biyo-diiday ayay ahayd.

Runta aan u daaddego. Xaflad il-yartu is-qabatay oo saacado socotay ayaa lagu qabtay masrax ama fagaare laga dhex diyaariyay Xarunta Keydka Haamaha Shidaalka. Madaxweynaha marka laga soo bilaabo, dadka ka qayb-galay ma ay yareyn. Malahayga dad ka badnaa ilaa 500 oo qof ayaa goobta lagu marti-qaaday. Hadda waxa gudaha loogu jiraa Xaruntii Keydka Haamaha Shidaalka ee Berbera. Dadkaasi sigaar-shide iyo tilifoonnadii goob-yaalka (mobile) ahaa waa ay sitaan. Waa habqan iyo habeen-kama-qadaan hillaaban intooda badani. Madaxweynaha laga soo bilaabo, madaxdii dalka intoodii badnayd meesha ayay joogaan. Madaxdi dalka waxaan u leeyahay, waa marka aan eego xilalka ay ku sawiran yihin ee ay dadku u haystaan in ay hayaan.

Masraxaa ama fagaarahaas qurxintiisa kharashka ku baxay ma malayn karno. Waa habeen, waa xagaa, waana Haamihii Shidaalka dugaalkoodii. Hadda 24-Guuradii Meey xafladdii habeennimo ee Madaxtooyada lama qaban. Waxa ka mudan oo ka miisaan culus xafladdan lagu baalalaynayo Laabkan ama Shey-baadhkan shidaalka ee belaayada ah.

Dhowr saacadood ayaa habeenkaa goobtaa la fadhiyay. Waa Riwaayad. Waa heeso Xiddigihii Geeska qaarkood isku laba-rogayaan. Waa lammaanihii Jawaan iyo Sooraan oo beryahan dambe siyaasaddii ku milmay. Waa khudbado aan dhammaanayn oo mid waliba mar is-baacinayo. Madaxweynihii oo aan xaq-dhowr iyo xishmad midnaba aanay u haynin intii ugu dhaweyd ayaa madasha fadhiya.

Haamihii shidaalku halis waxay ugu jiraan in ammaankoodan dagan awgii ay u qarxaan ama loo qarxiyo. Madaxdan iyo dadkan meesha ku cawaynayaana in ay halkaa ku shuf-beelaan ayay halis ugu jireen. Waa marka aynu sidii midho daray arrinta duudduubka ku liqno. Dadkan meesha isugu yimid, madax iyo minjaba, ma ay garan waayin intan aan idiin sheegayo. Xaasha! Intaa iyo in ka badanba waa ay garanayaan ee dan iyo muraad kama laha khasaare kasta oo dhacaya. Wax walba waxa uga mudan in aanay waayin xilalka ay hayaan oo aanay u hayn dalka iyo dadka, bal se ay lafahooda iyo reerahahooda ku baananayaan. Runta waa ay ka maagayaan oo ka meeraysanayaan. Cidda ama xoogagga dahsoon ee hawshan baalalaynta ama ballaysinka Shey-baadhka wadata, ayaan ahayn cid ay hadal kala hor tegi karaan. Habrasho iyo hoos-u-foorar ayaa xilalka lagu hayaa. Ma maqli jirteen: “Timir laf baa ku jirta.”

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here