Dadaalkii Xukuumaddu Ku Xakamaynaysay Sarrifka Iyo Sicir-Bararka Oo Abuuray Suuqyo Madow Iyo Cabashada Bulshada

0
1551
lacagta Somaliland

Hargeysa,(HargeisaPress) —Suuqyo madoow ayaa ka dilaacay magaalada Hargeysa, kuwaas laga helayo lacagta dollarka ah oo lagu sarrifayo qiime aan ahayn qiimihii xukuumadu u goysay.

Gacanta koowaad ee sarrifka oo ah markaad lacag dollar ah sidato eed u bedelanayso lacagta Somaliland, waxaad ku helaysaa qiimaha caadiga ah ee dawladu u goysay. Hase yeeshee markaad lacag Somaliland ah sidato eed Dollar doonayso waxa dadka ku adkaanaya inay helaan lacagtaas dollarka. Waxaanay ka heli karaan oo keliya suuq aan sharci ahayn oo ah suuqa madoow

Suuqyadan madoow qaarkood ayaa lagaga iibinayaa 810,000 oo lacagta Somaliland. “Waxaanu dhakafaar ka qabnaa sicir bararka, lacagta dollarka ah ee masaakiinta inta  680,000 lacagteena ah lagaga qaato ayaa dib loogaga iibinayaa 810,000 suuqa madoow.” sidaas waxa tidhi hooyo saylada Hargeysa ka xoogsata oo warbaahinta la hadashay.

Waxaanay hooyadani xukuumadda ugu baaqday inay ka hawlgasho sidii maceeshada loogu sargoyn lahaa qiimaha loo dejiyay sarrifka lacagaha, iyadoo maceeshadu taagantahay halkii hore.

Arrinta labaad ee muujinaysa in tallaabadii xukuumadda Somaliland ku jaangoysay sarrifka lacagtu ay ka fushay dhinaca qaadashada doolarka oo keliya, taasina waxa ay culays ku sii kordhisay muwaadiniintii ay xukuumaddu ugu gurmanaysay tallaabooyinkeedan, tusaale ahaan qofka mushahar u qaadanayey boqol doolar oo lagu sarrifayey 800 oo kun oo Shilinka Somaalilaand ah, hadda waxaa loogu sarrifayaa 680 kun, marka uu suuqa la galo si uu u biishadana noloshii weli waxa ay ku salaysantahay qiimihii siddeeda boqol ahaa, oo shaygii lagu iibinayey 16,500 (Lix iyo Toban kun iyo Shan boqol) ee muwaadinkani ku bixinayey 2 doolar, waxa uu hadda ku bixinayaa lacag dakhligiisa ka noqonaysa 2 doolar oo uu ku darayo 2 kun iyo sagaal boqol oo shilin Somaliland.

Waxaa iyaduna soo baxaya cabashooyin ay muwaadiniinta qaar ka sheeganayaan in lacagtii doolarka ahayd ee ay ku bixinayeen biilasha kala duwan iyo baahiyaha nolol maalmeedkoodu ay doolar ahaan sidii u shaqaynayso, haddii kale sarrif ahaan lagaga rabo lacag ka badan inta ay xukuumaddu u goysay.

illaa hadda xukuumaddu waxa ay ku gudo jirtaa tallaabooyinkii ay ku dhammaystiraysay dadaalkeeda sarrif jebinta, iyo la dagaalanka sicir bararka, laakiin dadaalladaas ayaanay ka midho dhalintoodu ku socon xawaare la mid ah ka ay ku socdeen dacaayadihii iyo hadalladii loogu ol’olaynayey arrintan ee bilowgii xukuumaddu ku kacday. Haddii aan dhaqso inta ay xaaladdu bilowga tahay wax looga qabanna u muuqda in ay noloshu ku sii adkaan doonto muwaadiniinta, sicir bararka iyo sarrifkuna meel sare gaadhi doonaan.

Geeska Africa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here