Dabley Hubaysan Oo Jid-gooyo Ka Bilaabay Waddada Isku Xidha Degmada Dilla Iyo Borama + Mudaharaad Ka Socda Magaalada Borama Iyo Waxa Lagaga Soo Horjeedo

0
1614
wadada wayn ee isku xidha degmada Dilla iyo magaalada Borama

Borama,(HargeisaPress) — Warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Borama ee xarunta gobolka awdal ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay jid-gooyo ka bilaabeen wadada wayn ee isku xidha  degmada Dilla iyo magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Dableydan oo naloo sheegay in ay ku hubaysan yihiin hub kala duwan ayaa goostay wadada isku xidha Dilla iyo Borama,iyaga oo dableydaasi joojinaya dadka iyo  gaadiidka safarka ku jira ee iskaga kala gooshaya magaalooyinka Hargeysa iyo Borama.

Dableydan hubaysan ee jid gooyada ku jirta ayaa waxa naloo sheegay inay yihiin beesha uu kasoo jeedo maayar ku xigeenkii hore ee degmada Borama kaas oo ay dhawaan xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabtay kadib markii uu ka dhawaajiyey arrimo xasaasi ah oo qaranimada wax u dhimaya,sidoo kalena ay isaga iyo xildhibaano kale oo ka tirsan golaha deegaanka Borama ka hadleen iska hor imaad dhawaan dhex maray ciidamada booliska Somaliland iyo ciidamada Liyuu Booliska ee dawlad deegaanka somalida Itoobiya.

Waxaana dableydan naloo sheegay in ay qoryo ku qabteen dad iyo gaadiid safar ku jira iyaga oo ugu hanjabay inay toogan doonaan,waxaana ay dadka iyo gaadiidkiiba ku qasbeen inay ku noqdaan halkii ay ka yimaadeen.

Dhanka kale mar aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay dad ku sugan magaalada Borama ayaa waxa ay noo sheegeen in hadda magaalada Borama uu ka socdo mudaharaad lagaga soo horjeedo xadhiga maayir ku xigeenkii hore ee degmada Borama.

Ugu danbayn maamulka gobolka Awdal iyo saraakiisha ciidanka booliska gobolka Awdal Ayaan wali arrinkan ka hadal.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here