Hargaysa: Dad La Karantiilay Oo Cabasho Ka Muujiyay Guriga Lagu Xakameeyay

0
839

Hargaysa (HP): Dad rakaab ahaa oo ay  shalay diyaaradda Ethiopian airline keentay magaaladda Hargaysa oo lagu karantiilay guri ka yaalla Hargaysa ayaa cabasho ka muujiyay meesha la dejiyay oo aad u liidata.

Rakaabkaasi oo koobnaa 8 ruux, oo ay diyaaradda Ethiopian airline ka keentay magaaladda Addis Ababa ee dalka  Itoobiya,  waxay ka kala yimaadeen qaarado kala duwan.

Inkastoo guud ahaanba aduunka oo dhan iyo dalkaba la joojiyay duulimaadyadda diyaaradaha iyo isu-socodka kale, hadana waxaa magaaladda Hargaysa si joogto ah u timaadda diyaaradda Ethiopian airline.

Dadkaasi rakaabka ah markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha Hargaysa waxaa la wareegtay wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Si loo hubiyo bed-qabka caafimaad ee rakaabkaasi, maadaama oo aduunka uu dhibaato weyn ku hayo xanuunka aadka u faafay ee Corona Virus.

Waxaana  dadkaasi rakaabka ah lagu karantiilay guri ku yaalla xaafadda Jig-jiga yar  ee magaaladda Hargaysa.

Kaasoo ay sheegeen in Wasakh, Qashin iyo nadaafad darro ka buuxdo oo caafimaadkoodda halis ku ah. Iyadoo ay  dhaliileen qaabkii ay ula dhaqmeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay ninkaasi in 8 qof ee gurigaasi lagu karantiilay ay qabeen dhibaatooyin hore sida in ay naafo ka yihiin laxaadka iyo xanuunadda nafsiga ah.

Daawo Dadkaasi Oo Guriga Lagu Karantiilay ka Cabanaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here