Buurmadow oo Iska Fogeeyay In Uu Lug Ku Leeyahay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Gobolka Sanaag

0
3194
Boqor Buurmadow

Dubai (HP)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow,  ayaa iska fogeeyay in uu wax lug ah ku leeyahay  jabhad lagaga dhawaaqay gobolka Sanaag oo ku dhawaaqay in ay dagaal la gelayaan dawladda Somaliland.

Waxaanu ku dooday boqor Buurmadow, in isagu uu yahay madax dhaqameed kana shaqeeyo nabadgeliyadda, isla markaana aan jabhadna samaysan taageersanayna.

Boqor Cismaan Buurmadow,  waxa uu sheegay in cid isaga ku soo leexinaysa in uu jabhadaasi sameeyay in ay tahay  cid ceebaynaysa sharaftiisa iyo karaamadiisa iyo wax aanu dhaqan u lahayn in ay ku riixdo.

Balse isagu uu yahay shaqsi looga bartay kana shaqeeya nabadda iyo wada jirka ummada weligiina aanu taageerin wax tafaraaruq ah.

Buurmadow, oo khadka telefoonka ugu waramay telefishan Bulsho isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta.

Waxa kaloo uu sheegay in kooxdaasi jabhadda ku dhawaaqday ay ku doodayeen tabasho ay ka qabaan xukuumadda iyo ciidamadda dawladda oo ay ka tirsanaayeen.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu wax ka qabto tabahsadda ay sheeganayaan kooxdaasi iyo sidoo kale tabasho guud ee ay beesha boqorka lafteedu xukuumadda ka qabto.

Hoos ka daawo muuqaalka

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here